HomeWararKhasaaro ka dhashay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Saldhigga Turkiga ee...

Khasaaro ka dhashay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Saldhigga Turkiga ee Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Xerada tababarka dowlada Turkiga ay ku leedaha Muqdisho ee lagu magacaabo Turkisom. Qaraxaan ayaa waxaa geystay qof isku soo ekeysiiyay ciidamo tababar uu uga socday gudaha Saldhiga oo loo diyaarinayay  Layli Sarkaal,waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho ah sida dalsan ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Xerada tababarka dowlada Turkiga ay ku leedaha Muqdisho ee lagu magacaabo Turkisom.

Qaraxaan ayaa waxaa geystay qof isku soo ekeysiiyay ciidamo tababar uu uga socday gudaha Saldhiga oo loo diyaarinayay  Layli Sarkaal,waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho ah sida dalsan ay u sheegeen ilo ku sugan gudaha Xerada Turkisom.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku geeriyooday 3-ruux oo shacab ah oo uu ku jiro qofkii Ismiidaamiyaha ahaa,wararka qaar ayaa tilmaamaya in laga shakiyay markii hore kadibna uu sidaas isku qarxiyay.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Oroje ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceboo waxa uu ku sheegay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen laba ruux oo shacab ah isla markaana ilaalada Xeradu ay ka hortageen waxyeelo ka dhasha qaraxa sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha Turkiga ee ku sugan Xerada ilaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin qaraxaas Ismiidaaminta ah,dhinaca kalana saraakiisha dowladdu iyana kama aysan hadal.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts