HomeWararGuddoomiye Mursal oo ka hadlay walaaca laga qabo muddo xileedka dowladda oo...

Guddoomiye Mursal oo ka hadlay walaaca laga qabo muddo xileedka dowladda oo la kordhiyo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa BBC-da kala hadlay walaac laga qabo in dib u dhigista furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka ay horseeddo dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya. Saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19 oo Soomaaliya gaaray ayaa sababtay in la hakiyo howshii Baarlamaanka, taasoo udub dhexaad u ahayd hannaanka doorashada xigta ee dalka. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa BBC-da kala hadlay walaac laga qabo in dib u dhigista furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka ay horseeddo dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya.

Saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19 oo Soomaaliya gaaray ayaa sababtay in la hakiyo howshii Baarlamaanka, taasoo udub dhexaad u ahayd hannaanka doorashada xigta ee dalka.

- Advertisement -

Hase yeeshee, guddoomiye Mursal ayaa ku adkeystay in xal loo heli doono sidii doorashada xilligeeda loo qaban lahaa.

“Waxaan rabaa in hal qodob si fiican loo fahmo. Sharcigan doorashada waxaa loogu talagalay baarlamaanka, oo kala ah Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. Muddooyinkii ugu dambeeyay ee aan kasoo gudubnay oo ay ugu dambeysay 2016-kii, doorashada la aadi jiray waxay ahayd doorasho dadban, marka waxa la dooranayo waa 275 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah, sidaas awgeed waxay ila tahay intaas xal loo waayi maayo”.

“Waxaan magacownay guddi kasoo shaqeeya qodobbada ka dhiman sharciga doorashooyinka, iyagoo kaashanaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, howshiina way wadaan inkastoo arrintaan coronavirus ay u saamixi waysay shaqooyinka qaar, laakiin shaqo fiican ayey qabteen ilaa hadda, waxaana aaminsan nahay inay soo dhammeystiri doonaan, waqtigii loogu talagalayna ay doorashada dhici doonto”, ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka.

- Advertisement -

Wuxuu Mursal meesha ka saaray suurtagalnimada in la kordhin doono muddo xileedka Baarlamaanka iyo madaxweynaha.

“Waddankan dastuur ayuu leeyahay, dastuurkaasna xilli ayuu ugu talagalay muddada xil-heynta Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. Waxaan rabnaa intaan xilligaas la gaarin ka hor inay doorasho dhacdo”, ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts