HomeWararTaliska Booliska Dowladda oo War kasoo saaray Dilkii Abwaan Baashi Macalin

Taliska Booliska Dowladda oo War kasoo saaray Dilkii Abwaan Baashi Macalin

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Arjantiin waxaa ay ku dileen Abwaan Soomaaliyeed lagu Magacaabi jiray Baashi Macalin Maxamuud. War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in Abwaanka la dilay uu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isla markaana […]

- Advertisement -

Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Arjantiin waxaa ay ku dileen Abwaan Soomaaliyeed lagu Magacaabi jiray Baashi Macalin Maxamuud.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in Abwaanka la dilay uu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isla markaana rag hubeysan ay toogteen.

- Advertisement -

Taliska Booliska ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhamaan Ciidanka Booliska ee uu ka baxay Abwaan Baashi Macalin Maxamuud, waxaana Alle uga baryeen inuu Janada ka waraabiyo.

“Tacsi waxaa tacsi diraaya dhamaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Dableyda Alifleeyda iyo dhamaan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Booliiska soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (xijaar) Allaha unaxariisto Abwaan Baashi oo ahaa nin ee ku weentahay Dowladnimo iyo u adeegida Shacabka waxuuna aha Sargaal ka tirsan Ciidan Booliiska Soomaaliyed waxa uuna ka baxay Dhamaan umadda Soomaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka Booliska.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada dilka loo geystay Abwaan Baashi Macalin, waxaaana ay sheegeen in rag hubeysan oo ka tirsan iyaga inay Abwaanka ku dileen Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories