HomeWararGuddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka...

Guddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka Baarlamaanka

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Guddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka Baarlamaanka

Muqdisho — Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD), Avv. Burhaan Aadan Cumar, ayaa maanta soo saaray go’aan rasmi ah oo saamayn weyn ku yeelanaya qaab-dhismeedka xukuumadda Soomaaliya. Guddiga ayaa faray dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada ee isku haya xilka fulinta iyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka inay si degdeg ah u banneeyaan mid ka mid ah xilalkaas.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Guddiga ayaa lagu caddeeyay in laga bilaabo hadda dhammaan tallaabooyinka maamul, magacaabista, iyo dhaarta mas’uuliyiinta dowladda ay tahay inay si buuxda u waafaqaan Dastuurka cusub ee 2026. Avv. Burhaan ayaa hoosta ka xariiqay in qodobbada 81aad, 117aad, iyo 191aad ee dastuurka ay si cad u diidayaan in qofka mas’uulka ah uu isku hayo xil wasiirnimo iyo xubinimo baarlamaan, hadday ahaan lahayd heer Federaal ama heer Dowlad-goboleed.

- Advertisement -

Guddiga ayaa digniin adag u diray hay’adaha dowladda, iyagoo sheegay in tallaabo kasta oo ka hor imanaysa axkaamta dastuurka ay tahay mid sharci-darro ah, isla markaana ay waajib tahay in si degdeg ah loo saxo. Tani waxay ka dhigan tahay in wasiirradii ku dhex jiray labada gole looga fadhiyo inay ka tanaasulaan mid ka mid ah xilalkooda si loo waafajiyo nidaamka cusub ee dalka.

Dhanka kale, Guddiga Dastuurka ayaa shaaciyay inay diyaarinayaan khariidad cad oo lagu hirgelinayo geeddi-socodka kala-guurka, iyadoo la qorsheynayo wacyigelin ballaaran oo dadweynaha lagu gaarsiinayo nuqullada dastuurka. Qorshahan ayaa looga golleeyahay in muwaadin kasta uu fahmo xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Go’aankan ka soo baxay Guddiga Dastuurka ayaa loo arkaa mid xoojinaya kala-sarraynta awoodaha dalka, waxaana la filayaa inuu keeno isbeddel weyn oo dhanka xukuumadda iyo matalaadda baarlamaanka ah maalmaha soo socda.

Latest stories