HomeWararGuddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka...

Guddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka Baarlamaanka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Guddoomiye Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa soo saaray war-saxaafadeed wasiirrada looga dalbanayo inay banneeyaan xilalka ay ku dhex leeyihiin Baarlamaanka.

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka Baarlamaanka

Muqdisho — Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD), Avv. Burhaan Aadan Cumar, ayaa maanta soo saaray go’aan rasmi ah oo saamayn weyn ku yeelanaya qaab-dhismeedka xukuumadda Soomaaliya. Guddiga ayaa faray dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada ee isku haya xilka fulinta iyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka inay si degdeg ah u banneeyaan mid ka mid ah xilalkaas.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Guddiga ayaa lagu caddeeyay in laga bilaabo hadda dhammaan tallaabooyinka maamul, magacaabista, iyo dhaarta mas’uuliyiinta dowladda ay tahay inay si buuxda u waafaqaan Dastuurka cusub ee 2026. Avv. Burhaan ayaa hoosta ka xariiqay in qodobbada 81aad, 117aad, iyo 191aad ee dastuurka ay si cad u diidayaan in qofka mas’uulka ah uu isku hayo xil wasiirnimo iyo xubinimo baarlamaan, hadday ahaan lahayd heer Federaal ama heer Dowlad-goboleed.

- Advertisement -

Guddiga ayaa digniin adag u diray hay’adaha dowladda, iyagoo sheegay in tallaabo kasta oo ka hor imanaysa axkaamta dastuurka ay tahay mid sharci-darro ah, isla markaana ay waajib tahay in si degdeg ah loo saxo. Tani waxay ka dhigan tahay in wasiirradii ku dhex jiray labada gole looga fadhiyo inay ka tanaasulaan mid ka mid ah xilalkooda si loo waafajiyo nidaamka cusub ee dalka.

Dhanka kale, Guddiga Dastuurka ayaa shaaciyay inay diyaarinayaan khariidad cad oo lagu hirgelinayo geeddi-socodka kala-guurka, iyadoo la qorsheynayo wacyigelin ballaaran oo dadweynaha lagu gaarsiinayo nuqullada dastuurka. Qorshahan ayaa looga golleeyahay in muwaadin kasta uu fahmo xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Go’aankan ka soo baxay Guddiga Dastuurka ayaa loo arkaa mid xoojinaya kala-sarraynta awoodaha dalka, waxaana la filayaa inuu keeno isbeddel weyn oo dhanka xukuumadda iyo matalaadda baarlamaanka ah maalmaha soo socda.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts