HomeWararGuddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo Beeniyay Warar laga faafiyay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo Beeniyay Warar laga faafiyay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada iyo warbaahinta qaarkood ay tebiyeen warar ku aadan in Ciidamo ka amar qaata Madaxweye Waare ay Go’doon geliyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, hayeeshee waxaa arrintaas ka hadlay Sh Cismaan Barre. War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiksa Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre ayaa waxaa lagu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada iyo warbaahinta qaarkood ay tebiyeen warar ku aadan in Ciidamo ka amar qaata Madaxweye Waare ay Go’doon geliyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, hayeeshee waxaa arrintaas ka hadlay Sh Cismaan Barre.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiksa Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre ayaa waxaa lagu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Guddoonka la geliyay, ayna been abuur yihiin wararka laga faafiyay.

- Advertisement -

Waxaa lagu sheegay Qoraalka in Xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle ay gacanta ku haayan Ciidanka amniga oo awalba lagu ogaa Ilaalinta Xarunta oo aysan jirin Ciidamo la geeyay halkaas.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlaamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay inay Dacawd ka gudbin doonaan mid kamid Tv-yada ku hadla Af-soomaaliga oo eedeyn ay u jeediyeen.

Baraha Bulshada iyo Warbaahinta qaarkood ee Website-yada ayaa waxaa lagu faafiyay in Go’doomin la geliyay Sheekh Cismaan Barre, isla markaana uu  Khilaaf uu soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxeeyne Waare, sidoo kalena Hoygiisa laga jaray Korontada iyo Biyaha.

- Advertisement -

Hoos ka Akhrio War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Sh Cismaan Barre.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts