HomeWararKiisas hor leh oo Cudurka Coronavirus oo Maanta laga helay Muqdisho

Kiisas hor leh oo Cudurka Coronavirus oo Maanta laga helay Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dowladda Soomaaliya ayaa Caawa xaqiijisay in dad Cusub oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus laga helay gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana Cudurka u muuqdaa mid kusii faafaya Caasimadda. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in Maanta oo sabti ah la diiwaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa Caawa xaqiijisay in dad Cusub oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus laga helay gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana Cudurka u muuqdaa mid kusii faafaya Caasimadda.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in Maanta oo sabti ah la diiwaan geliyay 19 xaaladood oo cusub. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 135 xaaladood.

- Advertisement -

Sidoo kale Wasiir Fowsiya Abiikar ayaa tilmaamtay in Cudurka ay Maanta Magaalada Muqdisho ugu geeriyoodeen laba ruux oo kamid ahaa bukaano horey loo diiwaan-geliyay, waxaana tirada dhimashada ay noqotay 7 Qof.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay si saxan u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta cudurka maadaama uu si xawaare leh dalka ugu faafayo, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo bed-qabka umadda.

Dowladda Soomaaliya oo daryeelka bulshada uu u yahay muhiimadda Koowaad ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta cudurkaan COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya caalamka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts