HomeWararAl-shabaab oo la wareegay deegaan ku yaalla Jubbada Hoose

Al-shabaab oo la wareegay deegaan ku yaalla Jubbada Hoose

Date:

Related stories

Istanbul: Soomaaliya oo qayb ka ahayd gaba-gabadii Shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa hoggaaminayay wafdi matalayay Soomaaliya oo ka qayb galay shirweynihii 152-aad ee IPU oo ka dhacay Turkiga.

Halkee laga qodayaa ceelka labaad ee shidaalka Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay ee sahminta shidaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in ceelka Holhol uu noqon karo halka xigta ee dalku ka soo saaro shidaalka.

M.Cali Guudlaawe oo ku dhowaaqay jihada doorashada Hirshabeelle: “Doorasho waa qof iyo cod

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo looga hadlay doorashooyinka iyo khatarta fatahaadaha.

Xil-wareejin ka dhacday Muqdisho: Wasiir Fiqi oo farriin culus u diray madaxda wasaaradda

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay xoghayihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xoghayaha cusub. Maqaalkan ka akhriso nuxurka dardaarkii wasiirka,

Wararka ka heleyno Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeyay Ciidanka maamulka Jubbaland iyo Al-shabaab uu ka dhacay  deegaan duleedka ah degmadaas.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid kooban oo dhexmaray Ciidanka Jubbaland iyo Al-shabaab, waxaana uu sigaar ah ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Bed-alamo oo kaabiga ku haya xuduudka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Dagaalka kadib ayaa Al-shabaab waxaa ay la wareegeen deegaanka Bed-alamo oo markii hore ay ku sugnaayeen Ciianka Jubbaland, hayeeshee markii dambe ay isaga baxeen Saldhigyadii ay halkaas ku lahaayeen.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab  ayaa waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bed-alamo oo hoostaga Dhoobleey.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in Saldhigii Ciidanka Jubbaland ee deegaanka ay ka qaateen saanado hub ah waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale Weli ma jiro wax war ah oo ka baxay Sraaakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in shabaab ay la wareegeen deegaanka Bed-alamo oo hoostaga Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories