HomeWararCiidanka Jubbaland oo xiray Dad Banaanbax ka waday Kismaayo

Ciidanka Jubbaland oo xiray Dad Banaanbax ka waday Kismaayo

Date:

Related stories

Istanbul: Soomaaliya oo qayb ka ahayd gaba-gabadii Shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa hoggaaminayay wafdi matalayay Soomaaliya oo ka qayb galay shirweynihii 152-aad ee IPU oo ka dhacay Turkiga.

Halkee laga qodayaa ceelka labaad ee shidaalka Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay ee sahminta shidaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in ceelka Holhol uu noqon karo halka xigta ee dalku ka soo saaro shidaalka.

M.Cali Guudlaawe oo ku dhowaaqay jihada doorashada Hirshabeelle: “Doorasho waa qof iyo cod

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo looga hadlay doorashooyinka iyo khatarta fatahaadaha.

Xil-wareejin ka dhacday Muqdisho: Wasiir Fiqi oo farriin culus u diray madaxda wasaaradda

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay xoghayihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xoghayaha cusub. Maqaalkan ka akhriso nuxurka dardaarkii wasiirka,

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidanka maamulka Jubbaland ay Kismaayo ku xireen boqolaal shacab ah oo Maanta halkaas ka dhigayay Banaanbax.

Dadka la xiray ayaa dhigaayay Banaanbax ay uga soo horjeedaan dilkii xalay Kismaayo loo geystay Nabadoon Siciid Ciise Cabdi oo loo yaqaanay (Saciid Adoon),kaasi oo kamid ahaa dadkii Ganacsatada deegaanda Jubbaland.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in dadkaas lagu xiray Saldhigyo kala duwan oo ku yaalla Kismaayo sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Banaanbaxayaasha ayaa dalbanaya in la cadeeyo, cadaaladana la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaas, isla markaana waxaa ay sheegeen dadkaas in dilka Saciid Adoon oo kamid ahaa Ganacsatada deegaanada Jubbaland aysan ka dambeynin Al-shabaab,hayeeshee arimo siyaasadeed loo dilay.

Laamaha amniga Jubbaland ayaa sheegay in Kismaayo ay ka wadaan baaritaano kala duwan oo ku raadinayan ragii ka dambeeyay toogashada Nabadoon Siciid Ciise Cabdi oo loo yaqaanay (Saciid Adoon) kana mid ahaa Ganacsatada deegaanka Jubbaland.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories