HomeWararRW Kheyre oo kulamo kala duwan ka wada Washington

RW Kheyre oo kulamo kala duwan ka wada Washington

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington kula kulmay wasiirka maaliyadda Norway, Siv Jensen oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood iyo qorshaha Soomaaliya deynta looga cafinayo. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa wasiirka maaliyadda Norway la wadaagay abaalka dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay dowladda Norway uga hayaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington kula kulmay wasiirka maaliyadda Norway, Siv Jensen oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood iyo qorshaha Soomaaliya deynta looga cafinayo.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa wasiirka maaliyadda Norway la wadaagay abaalka dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay dowladda Norway uga hayaan taageerada joogtada ah iyo $359-ka milyan ee deynta ah ee loo qorsheeyay in lagu nadiifiyo deynta Bangiga adduunku uu ku leeyahay Soomaaliya.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in tillaabada dowladda Norway ku caawisay Soomaaliya ay tahay tilaabadii ugu horreysay ee loo qaaday nadiifinta dowladda iyo barta go’aanta ee Feberaayo 2020.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Khayre uu la qaatay Siv Jensen ayaa qayb ka ahaa shirar doceeyo uu Washington kula yeelanayay wasiirro maaliyadeed iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka qayb galay kulanka miiska wareegsan oo looga hadlay deyn cafinta dalka, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay wasiirrada maaliyadda Netherlands iyo Talyaaniga iyo madaxweynaha Bangiga adduunka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts