HomeWararAskartii ka dambeysay Dilka Taliyihii Ciidanka Gorgor oo la xiray

Askartii ka dambeysay Dilka Taliyihii Ciidanka Gorgor oo la xiray

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Askartii ka dambeysay Dilkii loo geystay Taliyihii Ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Soomaaliya oo gelinkii dambe ee shalay lagu dilay Magaalada Muqdisho. Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidanka amniga gacanta ay ku dhigeen Askartii ka dambeysay dilka Taliye Maxaadeey Saleebaan Eebakar iyo qaar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Askartii ka dambeysay Dilkii loo geystay Taliyihii Ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Soomaaliya oo gelinkii dambe ee shalay lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidanka amniga gacanta ay ku dhigeen Askartii ka dambeysay dilka Taliye Maxaadeey Saleebaan Eebakar iyo qaar kamid ah Ilaaladiisa.

- Advertisement -

Sidoo kale Taliye Zakiya oo War qoraal ah soo saartay ayaa waxaa ay ku sheegtay in gacanta lagu dhigay dhamaan Ciidankii ku sugnaa barta Koontarool ee uu ka dhacay falkii Israsaaseynta ahaa,isla markaana haatan uu ku socdaan baaritaano kala duwan.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa Ciidamo Ilaalo ka ahaa Hotel Maa’id Ex Naasa-habdood laba waxaa ay rasaas xoogan ku fureen Gaariga Taliyihii Ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Soomaaliya iyo  qaar kamid ah Ilaaladiisa,iyadoona rasaas uu ku dhintay Taliyaha iyo Ciidankii la socday.

Si kastaba Taliye Maxaadeey ayaa waxaa uu ahaa Taliyihii Kumaandooska Soomaaliya,isagoona lagu tababaray dalka Turkiga,sidoo kalena ahaa Taliyihii hogaaminaayay Ciidankii xoreeyay Degmada Awdheeglle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts