HomeWararWarbaahinta Madaxa Banaan oo loo diiday ka qeyb galka Kulamada Golaha Shacabka

Warbaahinta Madaxa Banaan oo loo diiday ka qeyb galka Kulamada Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Maanta oo ah taariikhdu ku began tahay 19-ka Octoobe uuna furmayo kulankii 1-aad ee Kal-fadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa waxaa Wariyeyaasha ka socda warbaahinta madaxbanaan loo diiday ka qeyb galka Kulamada Golaha. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa wariyaasha ka socda warbaahinta madaxbanaan ee dalka u sheegay […]

- Advertisement -

Maanta oo ah taariikhdu ku began tahay 19-ka Octoobe uuna furmayo kulankii 1-aad ee Kal-fadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa waxaa Wariyeyaasha ka socda warbaahinta madaxbanaan loo diiday ka qeyb galka Kulamada Golaha.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa wariyaasha ka socda warbaahinta madaxbanaan ee dalka u sheegay in aan looga baahneen tabinta fadhiyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiye Muudey ayaa Warbaahinta si Cad ugu sheegay in Xarunta Cusub ee Villa Hargeysa uu ku shaqeyn  doono Golaha Shacabka aan meel looga sameeyn Saxafiyiinta ka socota warbaahinta madaxbanaan,isla markaana aysan ka qeyb geli doono Fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta Xaruntooda Cusub waxaa ay ku yeelanayaa kulankii 1-aad ee Kal-fadhiga 6-aad ee Golaha,kadib markii uu soo dhammaaday fasixii labada bil ay ku maqnaayeen.

Ajendaha kulanka ayaa ah Hadal Jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Akhrinta 1aad ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aan muuqan iyo Heshiiska Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories