HomeWararRW Kheyre oo soo Gaba-gabeeyay Socdaalkii deegaanada Galmudug

RW Kheyre oo soo Gaba-gabeeyay Socdaalkii deegaanada Galmudug

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta soo gaba-gabeeyay socdaalkii halkas uu joogay. Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali ayaa Garoonka diyaaradaha Magalada Dhuusamareb ka sagootiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayay oo halkaas ku sugnaa. Xasan Cali Kheyre […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta soo gaba-gabeeyay socdaalkii halkas uu joogay.

Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali ayaa Garoonka diyaaradaha Magalada Dhuusamareb ka sagootiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayay oo halkaas ku sugnaa.

- Advertisement -

Xasan Cali Kheyre inta uu sugnaa Dhuusamareeb ayaa waxaa uu daahfuray Shirka dib u heshiisiinta Galmudug,kaasi oo looga tashanayo dhismaha Galmudug Cusub oo loo dhan yahay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa intii halkaas uu joogay isugu keenay beelo muddo saddex sanno ah ay u dhexeeysay Colaad,kuwaasi oo ka soo kala jeeda deegaanada Huurshe iyo Xeeraale,isla markaana heshiis nabadeed kala dhex dhigay.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa shalay socdaalka ku gaaray Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud,isagoo Dhagax dhigay dhismayaal cusub oo ay yeelanayso Jaamacadda Ummadda qeybteeda Caabuudwaaq,kuwaasi ah Saddex dabaq, oo kooban 36 Fasal, Maktabad iyo Hool shirarka lagu qabto.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii Kheyre ayaa isla shalay gaaray gaaray magaalada Xeraale ee gobalka Galguduud,si uu u hubiyo dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee reer Huurshe iyo reer Xeraale ay ku wada saxiixdeen magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts