HomeWararRW Kheyre oo soo Gaba-gabeeyay Socdaalkii deegaanada Galmudug

RW Kheyre oo soo Gaba-gabeeyay Socdaalkii deegaanada Galmudug

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta soo gaba-gabeeyay socdaalkii halkas uu joogay. Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali ayaa Garoonka diyaaradaha Magalada Dhuusamareb ka sagootiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayay oo halkaas ku sugnaa. Xasan Cali Kheyre […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta soo gaba-gabeeyay socdaalkii halkas uu joogay.

Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali ayaa Garoonka diyaaradaha Magalada Dhuusamareb ka sagootiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayay oo halkaas ku sugnaa.

- Advertisement -

Xasan Cali Kheyre inta uu sugnaa Dhuusamareeb ayaa waxaa uu daahfuray Shirka dib u heshiisiinta Galmudug,kaasi oo looga tashanayo dhismaha Galmudug Cusub oo loo dhan yahay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa intii halkaas uu joogay isugu keenay beelo muddo saddex sanno ah ay u dhexeeysay Colaad,kuwaasi oo ka soo kala jeeda deegaanada Huurshe iyo Xeeraale,isla markaana heshiis nabadeed kala dhex dhigay.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa shalay socdaalka ku gaaray Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud,isagoo Dhagax dhigay dhismayaal cusub oo ay yeelanayso Jaamacadda Ummadda qeybteeda Caabuudwaaq,kuwaasi ah Saddex dabaq, oo kooban 36 Fasal, Maktabad iyo Hool shirarka lagu qabto.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii Kheyre ayaa isla shalay gaaray gaaray magaalada Xeraale ee gobalka Galguduud,si uu u hubiyo dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee reer Huurshe iyo reer Xeraale ay ku wada saxiixdeen magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories