HomeWararHay’ad ka digtay xaalad Cunno yari oo ku soo wajahan Soomaaliya

Hay’ad ka digtay xaalad Cunno yari oo ku soo wajahan Soomaaliya

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Hay’adda cuntada iyo beeraha aduunka ee FAO ayaa ku dhawaaqday in dalagga soomaaliya ka soo go’a sanadkaan uu aad uga liito sanadihii la soo dhaafay ee laga soo bilaabo 2011, waxaana saamayn wayn ku yeeshay isbadallada cimilada Caalamka. FAO ayaa intaasi raacisay in dib u dhaca roobabka xilliga gu’ga oo ka mid ah waqtiyada ugu […]

- Advertisement -

Hay’adda cuntada iyo beeraha aduunka ee FAO ayaa ku dhawaaqday in dalagga soomaaliya ka soo go’a sanadkaan uu aad uga liito sanadihii la soo dhaafay ee laga soo bilaabo 2011, waxaana saamayn wayn ku yeeshay isbadallada cimilada Caalamka.

FAO ayaa intaasi raacisay in dib u dhaca roobabka xilliga gu’ga oo ka mid ah waqtiyada ugu wanaagsan ee la beerto gallayda iyo guridda wabiyada ay sabab u noqotay hoos u dhaca wax soo saarka dalagga 70% deegaanada qaarkood.

- Advertisement -

Warbixin ku saabsan falanqaynta badqabka raashinka iyo quudinta oo ay soo saarto hay’adda cunada iyo beeraha aduunka ee FAO  ayaa lagu sheegay in inka badan labo malyan oo Soomaali ah ay aad ugu baahanyihiin kaalmooyin dhanka raashinka ah oo deg deg ah.

Qarmada Midoobay oo tusaale u soo qaadatay warbixintaan soo baxday sanadkan 2019, iyadoo ay maqan tahay kaalmooyinka bini’aadaninmada, xilli labo milyan iyo boqol kun oo qof oo ku nool soomaaliya ay wajahayaan duruufo nololeed bisha December ee sanadkaan,sida ku cad warbixinta, tirada guud ee wajahayo abaaraha waxa ay gaarayaan ilaa 6 milyan iyo sedax boqol oo kun dhamaadka sanaadkaan..

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories