HomeWararMaraykanka oo kasii diyaar garoobay gantaalada halista ah ee Ruushka

Maraykanka oo kasii diyaar garoobay gantaalada halista ah ee Ruushka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah uga baxday heshiiskii gantaalada ridada gaaban ee ay kula jirtay Ruushka, kadib markii Ruushka lagu eedeeyay in ay gantaaladaasi u samaysanayso si qarsoodi ah. Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynihii Maraykanka Ronald Reagan iyo hoggaamiyihii Soviet-ka Mikhail Gorbachev sannadkii 1987-dii, waxaana gebi ahaanba lagu mamnuucay gantaalada ridada gaaban ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah uga baxday heshiiskii gantaalada ridada gaaban ee ay kula jirtay Ruushka, kadib markii Ruushka lagu eedeeyay in ay gantaaladaasi u samaysanayso si qarsoodi ah.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynihii Maraykanka Ronald Reagan iyo hoggaamiyihii Soviet-ka Mikhail Gorbachev sannadkii 1987-dii, waxaana gebi ahaanba lagu mamnuucay gantaalada ridada gaaban ee gaaraya 5 boqol illaa 5 kun oo kiilo mitir.

- Advertisement -

Maraykanka waxa uu sheegayaa in ay hayaan caddeymo saabsan gantaalada uu Ruushka samaysanayo oo noo yaqaano SSC-8.

Markii madaxweyne Trump uu sannadkan horaantiis waqti u qabtay Ruushka in ay joojiyaan samaynta gantaaladaas, ayuu madaxweynaha Ruushka sheegay in ay gebi ahaanba isaga baxayaan heshiiska,

Maanta ayay ku ekeyd waqtigii loo qabtay.

- Advertisement -

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka deyriyay xiisadda labada dal ka dhex taagan, wuxuuna sheegay in burburka heshiiska uu ka dhiganyahay in la samaysan doono hubkan halistiisu badantahay.

Dhibka ugu weyn ee gantaaladan lagu qabo ayaa ah in ay yihiin kuwa xambaari kara hubka niyuukleerka ee halista ah, kuwaas oo ay adagtahay in la ogaan karo marka lasoo rido, waxayna caasimadaha Yurub ku gaari karaan muddo yar oo daqiiqado ah.

Xoghayaha Gaashaanbuurta NATO oo Maraykanka ku moowqif ah ayaa sheegay in jawaabta NATO ee arrintan ay soo bixi doonto mardhow.

Heshiiskan oo kaliya ma ahan kan halista ku jira, ee waxaa kale oo jira heshiisyo kale oo koontaroolka hubka ah oo iyagana uu soo dhowyahay waqtigii ay dhacayeen, lagana yaabo in aysan shaqaynin. waxaa ka mid ah heshiiska gantaalada riddada dheer ee niyuukleerka oo waqtigiisa dhici doono sannadka 2021-da.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts