HomeWararSomali-British ku biiray Kooxda Daacish oo la shaaciyey inuu geeriyooday

Somali-British ku biiray Kooxda Daacish oo la shaaciyey inuu geeriyooday

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wargeyska The Sunday Times ee ka soo baxa dalka Britain ayaa soo bandhigay Muuqaaladda 4 Muwaadiniin British ku biiray Maleeshiyadda Daacish, kuwaasi oo la sheegay in lagu dilay magaalladda Raqa ee dalka Syria, wax yar kadib, markii ay ku biireen Daacish-ta ka dagaalanta  Syria. Mid ka mid ah Jihaadistayaasha la dilay oo ahaa  Somali-British waxaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wargeyska The Sunday Times ee ka soo baxa dalka Britain ayaa soo bandhigay Muuqaaladda 4 Muwaadiniin British ku biiray Maleeshiyadda Daacish, kuwaasi oo la sheegay in lagu dilay magaalladda Raqa ee dalka Syria, wax yar kadib, markii ay ku biireen Daacish-ta ka dagaalanta  Syria.

Mid ka mid ah Jihaadistayaasha la dilay oo ahaa  Somali-British waxaa lagu magacaabi jirey C/llaahi Xasan, kaasi oo horey u deganaa magaalladda London.

- Advertisement -

Wargeyska The Sunday Times ayaana soo bandhigay Muuqaal Filim oo muujinaya iyadoo uu Marxuumkaasi kor u haysto Qori AK 47 ah, isla markaana wacad ku maraya inuu dili  doono Muwaadiniinta iyo Askarta Britishka iyo kuwa Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka Syria.

Wargeyska waxa uu qoray inuu C/llaahi Xasan ka yimid Degmadda Woolwich ee K/bari ee magaalladda London, wuxuuna ka mid ahaa 20 nin oo lagu naanaysi jirey Wiilasha The Woolwich Boys, kuwaasi oo u socdaalay  dalka Syria, si ay ugu biiraan Maleeshiyadda Kooxda Daacish.

Marxuumka oo lagu nanaaysi jirey Adbi ma kala cadda inuu ku dhashay gudaha dalka Britain ama inay carruurnimo ku keeneen Waalidkiisa o oah Qaxooti ka yimid Somalia.

- Advertisement -

Muuqaalka la soo bandhigay waxaa kaloo laga arki karaa Marxuumka C/llaahi Xasan iyo 2 dhallinyaro ka kala timid dalalka Sweden iyo Australia oo qori ka ridaya rasaas toogasho ah goob ku taalla caasimaddii Kooxda Daacish ee magaalladda Raqa ee dalka Syria.

Dhinaca kale, Wargeyska The Sunday Times waxa uu qoray in horey loo aqoonsaday 3 ka mid ah dhallinyarada haysta dhalashadda UK  oo lagu dilay gudaha dalka Syria, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Shukri Al-khaliifi oo 22-jir ah, Fatluum Shalaku oo 20-jir ah iyo Maxamed Mahdi Xasan oo 19-jir, iyadoo qofkii 4-aad ee hadda la aqoonsaday uu yahay Jihadiste Somali-British lagu magacaabi jirey C/llaahi Xasan.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts