HomeWararAkhriso:-Maxaa ka jira inuu Isbeddelay Mowqifka Dowlada Somalia ee kiiska Badda?

Akhriso:-Maxaa ka jira inuu Isbeddelay Mowqifka Dowlada Somalia ee kiiska Badda?

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Saacadihii la soo dhaafay ayaa baraha Bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta lagu faafiyay warar sheegaya in uu isbeddelay Mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee arrimaha la xiriira Kiiska badda Soomaaliya. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla […]

- Advertisement -

Saacadihii la soo dhaafay ayaa baraha Bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta lagu faafiyay warar sheegaya in uu isbeddelay Mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee arrimaha la xiriira Kiiska badda Soomaaliya.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ uu Isbeddelay.

- Advertisement -

War qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Facebook Cabdinuur Maxamed Axmed ayuu ku shaaciyay in Warkaas uu been abuur uu yahay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Agaasime Cabdinuur in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu baaritaano ku hayo ilaha wararkan been abuurka ah faafiyay.

“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

- Advertisement -

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah”ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories