HomeWararSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ergayga Midowga Yurub ee Geeska Afrika

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ergayga Midowga Yurub ee Geeska Afrika

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Mudane Alexander George Rondos oo uu weheliyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Mudane Alexander George Rondos oo uu weheliyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, deyn cafinta, iyo dib u habaynta garsoorka dalka.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Rondos ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga ku aaddan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya dalalka Geeska.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu la wadaagay Danjiraha aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan daris wanaagga dalalka Gobolka, iskaashiga, xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

“Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wafdiga Midowga Yurub dadaallada ku saabsan xaqiijinta amniga oo ay ugu horreeyaan dhismaha Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale wax ay ka wada hadleen arrimaha horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, taageerada hay’adaha garsoorka iyo deyn cafinta oo Midowga Yurub uu kaalin mug leh ka qaadanayo.”

- Advertisement -

Dhankiisa, Danjire Alexander Rondos ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in ay ku gacan siinayaan Dowladda sugidda amniga iyo dib u habeynta caddaaladda oo tiir dhexaad u ah qorshe hawleedka Xukuumadda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts