HomeWararWararkii ugu dambeeyay Qaraxyo Ciidamo Milateri ah lagula eegtay duleedka Balcad

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo Ciidamo Milateri ah lagula eegtay duleedka Balcad

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan duleedka Degmada Balcad ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi saakay qaraxyo xoogan ay ka dhaceen. Qaraxyada waxaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya oo socdaal ku marayay deegaano ka tirsan Duleedka Balcad,waxaana ka soo baxaya […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan duleedka Degmada Balcad ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi saakay qaraxyo xoogan ay ka dhaceen.

Qaraxyada waxaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya oo socdaal ku marayay deegaano ka tirsan Duleedka Balcad,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

- Advertisement -

Qaraxa koowaad ayaa waxaa uu haleelay Gaari nooca dagaalka uu la socday Sarkaal lagu Magacaabo Cali xuubey oo ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda,waxaana qaraxu ku qabsaday xili uu marayay Tuulo ku taalla inta u dhexeeya Haansheekh iyo Ceel Geelow,iyadoona uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku geeriyooday qaraxaas,halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray,waxaana dhaawac ahaa loogu soo qaaday Degmada Balcad.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku daraayan in qarax kale lala eegtay Ciidamo oo gurmad ahaan ugu socday Taliye Cali xuubey,waxaana lagula eegtay Tuulada Gololeey, wallo wax khasaaro uusan ka dhalan.

- Advertisement -

Cali xuubey oo ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda iyo Ciidamada ilaalada u ahaa ayaa kusoo jeeday dhinaca deegaanka Qalimow,halkaasi oo fariisimo ay ku leeyihiin Ciidamadav dowladda.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay uga hadlayaan qaraxii saakay ka dhacay duleedka degmadaas.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts