HomeWararSawirro:-Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Sacuudiga

Sawirro:-Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Sacuudiga

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxaa xalay gaaray Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo uga qeyb gali doono Shir Madaxeedka Wadamada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Wafdigan ayaa waxa hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Amniga Abuukar Islow […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxaa xalay gaaray Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo uga qeyb gali doono Shir Madaxeedka Wadamada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Wafdigan ayaa waxa hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Amniga Abuukar Islow Ducaale,isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha Boqor Cabdicasiis kusoo dhawayey Ergayga Ergada Joogtada JFS ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Danjire Cabdirasaaq Siyaad Cabdi (Sancaani) iyo xubno kale.

- Advertisement -

Sidoo kale wafdiga ayaa kulamo la qaatay Siihayaha Safaarada Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Saalim Macow Xaaji iyo Qunsulka Guud ee Magalada Jeddah Mudae Ilyas Sheekh Cumar Abuubakar.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa Magaaladda Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga waxaa uga qeyb geli doonaan Shir Madaxeedka Wadamada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),kaasi oo  Khamiista soo socota si rasmi ah u furmi doona.

Shirkaas ayaa waxaa uu socon doonaa muddo 2 maalmood ah, waxaana qorshuhu yahay inay Hoggaamiyayaasha dalalka Khaliijka, kuwa Carabta iyo Islaamka ka qeyb geli doonaan Shirkaasi.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts