HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Magaalada Barakaysan ee Makka

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Magaalada Barakaysan ee Makka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada barakaysan ee Makka kaga qeyb gali doona Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC). Meertada 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada barakaysan ee Makka kaga qeyb gali doona Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC).

Meertada 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta.

- Advertisement -

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Ururka Iskaashiga Islaamka ay muddadii u dambaysay tallaabooyin wanaagsan u soo qaadeen dhanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla Magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu danbeeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed.

Wafdiga Madaxweynaha ee u amba-baxay magaalada barakaysan ee Makka waxaa hordhac usii ahaa diblumaasiyiin Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad oo la qaabeeyey ajandeyaasha shirarkan Wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta iyo kuwa Ururka Iskaashiga Islaamka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts