HomeWararQarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Degmo ka tirsan Gobolka Baay

Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Degmo ka tirsan Gobolka Baay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Bardaale oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan,kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aasay,isla markaana waxaa lala eegtay Gaari nooca dagaalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Bardaale oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan,kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aasay,isla markaana waxaa lala eegtay Gaari nooca dagaalka oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo marayay bartamaha Degmada Bardaale.

- Advertisement -

Ugu yaraan laba Askari ayaa ku geeriyootay qaraxaas,halka laba kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo la socday gaarigii uu qaraxa haleelay.

Dadka deegaanka Degmada Bardaale ayaa soo sheegaya in qaraxa askartii ku dhaawacantay loo qaaday Isbitaalka weyn ee Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas xoogan oo rideen Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada oo xiligaas goobta Agdhawaan,isla markaana Khasaaraha ka dhashay taasi aan weli la ogeyn.

- Advertisement -

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xaalada degmada ay haatan tahay mid degan,waxaana halkaasi howlgalo kala duwan ka  wada Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmadaas.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts