HomeWararWafdi ka socda Masar iyo Maamulka Somaliland oo dhowr kulan yeeshay

Wafdi ka socda Masar iyo Maamulka Somaliland oo dhowr kulan yeeshay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Masar ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Ambassador Xamdi Sonet Lusa uu shalay galab kulamo la qaatay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Madax ka tirsan Maamulkaasi. Wargeyska Mobtada ee ka soo baxa magaalladda Qaahira waxa uu maanta qoray in Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay qaabilaadaasi ayaa sheegay inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Masar ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Ambassador Xamdi Sonet Lusa uu shalay galab kulamo la qaatay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Madax ka tirsan Maamulkaasi.

Wargeyska Mobtada ee ka soo baxa magaalladda Qaahira waxa uu maanta qoray in Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay qaabilaadaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashadda Wafdigaasi oo muhiim u ah dhismaha iskaashiga labada dhinac, khaas ahaan Xilligan oo  uu Madaxweynaha Masar, C/fataax Al-sisi hayo xilka meertada ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ee AU-da.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay doonayaan inay  Masar iska kaashadaan dhinacyadda Xannaanadda Xoolaha, Kalluumeysiga, Beeraha, Tacliinta iyo Caafimaadka.

Sidoo kale, wfadiga Masar  waxay kulamo la yeesheen Wasiiradda Caafimaadka, Kheyraadka Kalluumaysiga iyo Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga wadajirka ee labada dhinac.

Wafdiga waxay kaloo booqdeen Jamaacadda Hargeysa, Maktabadda Hargeysa iyo Carwadda Caalamiga ee Buugaagta ee Hargeysa, iyagoo Madaxdii ay la kulmeen kala hadleen sidii loo soo celin lahaa Iskaashiga Tacliinta iyo Dhaqanka.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Masar ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Ambassador Xamdi Sonet Lusa oo ay  Socdaalkaasi ku wehliyeen Danjiraha Masar u jooga Somalia, Maxamed Nasar iyo Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Masar ugu qaabilsan Geeska Afrika, Ambassador Kariim Shariif waxay kulan la qaateen Jaalliyadda Masaarida ku nool Somaliland, oo ay ka wareysteen Xaalladooda, caqabadaha haysta iyo iyagoo ugu hambalyeeyey Dhalashadda Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts