HomeWararSawirro:-Ciidanka amniga oo xalay howlgal ka sameeyay Muqdisho

Sawirro:-Ciidanka amniga oo xalay howlgal ka sameeyay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgalo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa howlgalka ka sameeyay xaafado badan oo ku yaalla Muqdisho,isla markaana howlgalkaas ku baarayay guri guri. Sidoo kale Ciidamada ayaa baaritaano xoogan ku sameeynayay dadka iyo gaadiidka isticmaalaya Wadooyinka qaar,waxaana […]

- Advertisement -

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgalo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa howlgalka ka sameeyay xaafado badan oo ku yaalla Muqdisho,isla markaana howlgalkaas ku baarayay guri guri.

- Advertisement -

Sidoo kale Ciidamada ayaa baaritaano xoogan ku sameeynayay dadka iyo gaadiidka isticmaalaya Wadooyinka qaar,waxaana la weeydiinayay Su’aallo ku aadan dhanka amniga.

Howlgalkaan ayaa waxa uu daba socdaa hadal habeen kahor uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow),kaasi oo ku aadanaa in Magaalada Muqdisho laga bilaabi doono howlgalo culus oo ka duwan kuwii hore looga sameeyn jiray Caasimadda,iyadoona lagu xaqiijinayo amniga.

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka la keenay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kadib markii ay muddooyinkii dambe Magaalada ay ka dhaceen qaraxyo khasaaro Nafeed geystay, mid hantiyadeed iyo dilal qorsheysan.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories