HomeWararHawlgalka QM ee Somalia oo lagu ballaarin doono Maamul-gobaleedyadda dalka ka jira

Hawlgalka QM ee Somalia oo lagu ballaarin doono Maamul-gobaleedyadda dalka ka jira

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee QM wxaay xalay si wadajir ah ugu codeeyeen in muddo hal sanno lagu kordhiyo Hawlgalka ay QM ka wadaan Somalia ee UNSOM, waxayna muddo-kordhintaasi ku ekaan doontaa bisha March 31-da ee sannadka soo socda ee 2020-ka. Qaraarka tirsigiisu yahay 2461 ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxa uu dhigayaa in Hawlgalka UNSOM […]

- Advertisement -

Golaha Ammaanka ee QM wxaay xalay si wadajir ah ugu codeeyeen in muddo hal sanno lagu kordhiyo Hawlgalka ay QM ka wadaan Somalia ee UNSOM, waxayna muddo-kordhintaasi ku ekaan doontaa bisha March 31-da ee sannadka soo socda ee 2020-ka.

Qaraarka tirsigiisu yahay 2461 ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxa uu dhigayaa in Hawlgalka UNSOM sii wadi doonaan  Taageeradda Istaraatijiyadda  iyo La-talinta ee ay siiyaan DFS iyo AMISOM ee ku aadan Dhismaha Nabadda iyo Dowladnimadda.

- Advertisement -

Qaraarka Golaha Ammaanka waxa uu ka codsaday Hawlgalka UNSOM inay sii wadaan xoojinta Joogitaankooda ee dhamaan Dowlad-gobaleedyadad xubnaha ka ah Federalka Somalia.

Qaraarka waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay muhiimadda Taageeradda UNSOM ee dhinacyadda xiriirka Siyaasadda, Farsamadda iyo Loojistikadda ee Xafiiska QM ee Taageeradda Somalia la leeyihiin DFS, sidii ay Doorasho Hufnaan iyo nabad ah oo qof iyo codkiisa uga dhici lahayd Somalia sannadka 2020-ka

Si kastaba ha ahaatee, Golaha Ammaanka ee QM wxaay Hawlgalka QM ee Somalia (UNSOM) asaaseen bishii June 3-dii ee sannadkii 2013-kii, iyadoo QM taageero ka geysatay dhismaha Asaaska ee  DFS.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories