HomeWararBaarlamaanka Carabta iyo OIC oo si kulul uga hadlay Weerarkii shalay ee...

Baarlamaanka Carabta iyo OIC oo si kulul uga hadlay Weerarkii shalay ee Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Baarlamaanka Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, iyo dowladda Baxrayn ayaa si kulu u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta,Dr; Mishcal, bin Faham, Asalami, ayaa tacsi u diray , Madaxweynaha, Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliya, geeridii ku timid Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla, oo xubin hore ka ahaa Baarlamaanka Carabta, kaas oo ku dhintay qaraxii lala beegsaday wasaaradda Shaqada.

- Advertisement -

Wuxuuna guddoomiye, Mishcal Alle uga baryay in uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo marxuumka, Ehelladii iyo qaraabadii u ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaa tacsi taa la mid ah u soo dir Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Dr; Yuusuf Bin Axmed Al-Cutheymiin, isagoo sheegay in Ururku uu cambaaraynayo weerarkii shalay, wuxuuna intaa raaciyay in OIC ay garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya, kuna taageereyso dagaalka ka dhanka Al-shabaab.

Sidoo kale, Dowladda Baxrayn ayaa si kulul u cambaaraysay qaraxyadii isxig xigay ee shalay ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo galaaftay nolosha Dad maato ah aan waxba galabsan.

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Dalka Baxreyn,  bayaan ay soo saartay ayaa waxay ugu tacsiyeysay Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda Dadkii ay waxyeellada kasoo gaadhay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, iyadoo u rajeysay in dhaawacyada uu Alle siiyo Caafimaad dhammaystiran.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories