HomeWararBaarlamaanka Carabta iyo OIC oo si kulul uga hadlay Weerarkii shalay ee...

Baarlamaanka Carabta iyo OIC oo si kulul uga hadlay Weerarkii shalay ee Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Baarlamaanka Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, iyo dowladda Baxrayn ayaa si kulu u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta,Dr; Mishcal, bin Faham, Asalami, ayaa tacsi u diray , Madaxweynaha, Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliya, geeridii ku timid Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Saqar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Baarlamaanka Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, iyo dowladda Baxrayn ayaa si kulu u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta,Dr; Mishcal, bin Faham, Asalami, ayaa tacsi u diray , Madaxweynaha, Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliya, geeridii ku timid Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla, oo xubin hore ka ahaa Baarlamaanka Carabta, kaas oo ku dhintay qaraxii lala beegsaday wasaaradda Shaqada.

- Advertisement -

Wuxuuna guddoomiye, Mishcal Alle uga baryay in uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo marxuumka, Ehelladii iyo qaraabadii u ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaa tacsi taa la mid ah u soo dir Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Dr; Yuusuf Bin Axmed Al-Cutheymiin, isagoo sheegay in Ururku uu cambaaraynayo weerarkii shalay, wuxuuna intaa raaciyay in OIC ay garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya, kuna taageereyso dagaalka ka dhanka Al-shabaab.

Sidoo kale, Dowladda Baxrayn ayaa si kulul u cambaaraysay qaraxyadii isxig xigay ee shalay ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo galaaftay nolosha Dad maato ah aan waxba galabsan.

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Dalka Baxreyn,  bayaan ay soo saartay ayaa waxay ugu tacsiyeysay Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda Dadkii ay waxyeellada kasoo gaadhay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, iyadoo u rajeysay in dhaawacyada uu Alle siiyo Caafimaad dhammaystiran.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts