HomeWararCiidamada Kenya oo isaga baxay deegaan ka tirsan Gobolka Gedo iyo Al-shabaab...

Ciidamada Kenya oo isaga baxay deegaan ka tirsan Gobolka Gedo iyo Al-shabaab oo la wareegay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in  saakay Waaberigii hore Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay isaga baxeen deegaan ka tirsan Gobolkaaas. Ciidamadii Kenya ee ku sugnaa deegaanka lagu magacaabo Buusaar ee ku yaalla Gobolka Gedo ayaa la sheegay in ay gabi ahaanba isaga baxeen,waxaana halkaasi ay ku lahaayeen Saldhigyo Militeri. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in  saakay Waaberigii hore Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay isaga baxeen deegaan ka tirsan Gobolkaaas.

Ciidamadii Kenya ee ku sugnaa deegaanka lagu magacaabo Buusaar ee ku yaalla Gobolka Gedo ayaa la sheegay in ay gabi ahaanba isaga baxeen,waxaana halkaasi ay ku lahaayeen Saldhigyo Militeri.

- Advertisement -

Dad ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Buusaar,isla markaana fariisimo ka sameeystay deegaanka.

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in Ciidamada Kenya inta aysan ka bixin Buusaar hawada ay ka saareen Isgaarsiintii deegaankaas,waxaana weli hawada ka maqan Isgaarsiintii ka shaqeeyn jirtay halkaasi,iyadoona u dhaqaaqay Degmada Ceelwaaq.

Deegaanka Buusaar  oo ah mid istitaatiiji ah wuxuu dhacaa Koonfur Galbeed ee Gobolka Gedo, Buusaar ayaa qiyaastii 40 Km dhanka Bari uga beegan Magaalada Ceelwaaq waana deegaan istiraatiiji ah oo isku xira inta badan Magaalooyinka Gobolka Gedo iyo sidoo kale  Gobollada Jubboyinka.

- Advertisement -

Dhawaan ayey aheyd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay isag baxeen deegaanka Fax fax dhuun ee Gobolka Gedo,kaasi oo ay ku lahaayeen Fariisimo waaweyn.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts