HomeWararHooyadii dhashay mid ka mid ah Al-shabaabkii weeraray Hotelka Dusit D2 oo...

Hooyadii dhashay mid ka mid ah Al-shabaabkii weeraray Hotelka Dusit D2 oo damiin lagu sii daayey

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Sakina Abdalla oo ah Maamadda dhashay Salim Ali Gichunge ayaa la sheegay in lagu sii daayey damiin lacageed oo dhan Hal million oo Shillinka Kenya. Dacwad-oogayaasha waxay ku soo oogeen Hooyadaasi  inay ku fashilantay inay Boliska u soo gudbiso warka ku aadan halka uu joogay Wiilkeeda, si looga hortago weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Hoteelka […]

- Advertisement -

Sakina Abdalla oo ah Maamadda dhashay Salim Ali Gichunge ayaa la sheegay in lagu sii daayey damiin lacageed oo dhan Hal million oo Shillinka Kenya.

Dacwad-oogayaasha waxay ku soo oogeen Hooyadaasi  inay ku fashilantay inay Boliska u soo gudbiso warka ku aadan halka uu joogay Wiilkeeda, si looga hortago weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Hoteelka DusitD2 ee ku yaalla magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

Boliska dalkaasi waxay rumeysan yihiin inuu Salim Ali Gichunge ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii ay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ku qaadeen Hotelkaasi bishii Janaayo 15-dii ee sannadkan.

Maama Sakina Abdalla waxay Maxkamadda ka codsatay in damiin lacageed lagu sii daayo inta laga gaarayo xilliga dib loo qaadi doono dhegeysiga dacwadeeda.

Madaxa Garsoorayaasha, Martha Mutuhu waxa uu amray inay bixiso lacag caddaan ah oo dhan hal million oo Shillinka Kenya ama ay bisixo damiin lacageed oo dhan 2 million oo Shillinka dalkaasi.

- Advertisement -

Waxa kale oo lagu amray inay Maxkamadda dhigto Baasaboorkeeda, inaysan la xiriirin Markhaatiyayaasha ku lug leh Kiiskeeda iyo inay bil kasta iska xaadiriso Boliska La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ilaa inta dhegeysiga Kiiskeeda laga soo af-jari doono.

Si kastaba ha ahaatee, Kiiska Hooyadii dhashay mid ka mid ah Alshabaabkii weeraray Hotelka Dusit D2 ayaa la sheegay in dib loo dhegeysan doono ka-hor bisha soo socota ee April 1-da.

 

 

Xigasho: The Star, Kenya

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories