HomeWararDil Caawa ka dhacay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Dil Caawa ka dhacay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Caawa agagaarka Isgoyska Maanabooliyo ku dilay Haweeyney la sheegay in ay aheyd Ganacsato. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dilkan uu ka dhacay Isgoyska Maanabooliyo gaar ahaan dhinaca Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ,isla markaana rag hubeysan ay toogteen Haweeyneyda xili halkaasi ay joogtay. Sidoo kale waxaa la sheegay in […]

- Advertisement -

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Caawa agagaarka Isgoyska Maanabooliyo ku dilay Haweeyney la sheegay in ay aheyd Ganacsato.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dilkan uu ka dhacay Isgoyska Maanabooliyo gaar ahaan dhinaca Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ,isla markaana rag hubeysan ay toogteen Haweeyneyda xili halkaasi ay joogtay.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa la sheegay in kooxihii ka dambeeyay dilkaasi goobta ay uga baxsadeen Gaari nooca raaxada ah oo ay wateen,waxaana goobta Meydka ka qaaday Ganacsato kale oo ka agdhaweyd halka uu falka ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa sida caadada aheyd tegay halkaasi,isla markaana sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah ka soo bixin.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mudooyinkaan dambe ku soo batay dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan ragga ku hubeysan Bastooladaha,waxaana Mas’uuliyooda sheegta  Al-shabaab.

- Advertisement -

 

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories