HomeWararSawirro:-Somalia si rasmi ah ula la wareegtay Guddoonka Ururka Jaamacadda Carabta

Sawirro:-Somalia si rasmi ah ula la wareegtay Guddoonka Ururka Jaamacadda Carabta

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Somalia waxay si rasmi ahaan ula wareegtay xilliga meertada ee Guddoominta Shirarka Dowladaha Carabta, iyadoo uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, Axmed Ciise Cawad maanta guddoominayey Shirka 151-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiiradda waxay kulankooda ku lafa-guri doonaan Ajendayaal muhiim ah iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa Kulanka soo socda ee Ururka Jamaacadda Carabta oo dalka Tunisia lagu qaban doono dabayaaqada bishan Maarso.

- Advertisement -

Wasiiradda Arrimaha Dibedda Carabta waxay kaloo yeesheen Kulamo Wada-tashi ah oo ay ku eegeen Hawlaha siyaasadda Carbeed, Dhaqaalaha, Dhaqanka, Bulshadda iyo Nabadda ee dalalka Carbeed.

Sidoo kale, Ajendayaasha ay Wasiiradda ku gorfeyn doonaan Shirkooda waxaa ka mid ah sidii taageero loo siin lahaa Somalia iyo Jesiiradda Komoros, Dagaalladda ka socda dalalka Syria, Libya iyo Yemen, Khilaafka Falastiin iyo Israel, Muranka Xuduudka ee dalalka Jabuuti iyo Eritrea iyo 3 Jesiiradood ee Imaaraadka oo  ay Iiraan xoogga ku haysato , Arrimaha Xuquuqda Aadana, Ka-hortaga Hubka iyo Kooxaha Xag-jirka.

Warbaahinta dalka Masar waxay sheegeen inay Somalia la wareegtay Meertadda Guddoominta Shirarka Carbeed ee lixda bilood ee soo socota, waxaana Kulankii maanta goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Alkheyd.

- Advertisement -

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories