HomeWararWararkii ugu dambeeyay Qarax lala eegtay Mas’uul oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay Qarax lala eegtay Mas’uul oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax miino oo Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho,kaasi oo geystay Khasaaro. Qaraxaasi ayaa waxaa la  sheegay in uu ka dhacay deegaanka Weeydow,isla markaana ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso,jugtiisana laga maqlay Xaafaddo ka tirsan halkaasi. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax miino oo Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho,kaasi oo geystay Khasaaro.

Qaraxaasi ayaa waxaa la  sheegay in uu ka dhacay deegaanka Weeydow,isla markaana ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso,jugtiisana laga maqlay Xaafaddo ka tirsan halkaasi.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in qaraxa lala eegtay Gaari la sheegay in uu la socday Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada deegaanka Garasbaaleey xili halkaasi uu marayay.

Guddoomiye kuxigeenka Garasbaaleey oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Maxamuud ayaa la sheegay in uu ka badbaaday qaraxaas,hayeeshee ay ku dhaawacmeen Afar ruux oo shacab ahaa oo goobta  ka Agdhawaa.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in dadkii ku dhaawacmay qaraxa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

- Advertisement -

Cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo ah Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada deegaanka Garasbaaleey oo aan xiriiro kala duwan la sameeysnay si aan wax badan u weediiyno qaraxa ayaa ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts