HomeWararSawirro:-Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo heshiisyo cusub kala saxiixday

Sawirro:-Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo heshiisyo cusub kala saxiixday

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Wasiirka Amniga Gudaha ee DFS, Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Masar, Sarreeye Gaas Maxamuud Towfiiq waxay Kulan muhiim ah ku yeesheen caasimadda dalka Masar ee Qaahira, oo ay kaga wada hadleen Xiriirka labada dal, Iskaashiga dhanka Ammaanka, Wardoonka iyo sidii Booliska Soomaaliya looga taageeri lahaa dhanka tababarka iyo farsamada. Wargeyska […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Amniga Gudaha ee DFS, Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Masar, Sarreeye Gaas Maxamuud Towfiiq waxay Kulan muhiim ah ku yeesheen caasimadda dalka Masar ee Qaahira, oo ay kaga wada hadleen Xiriirka labada dal, Iskaashiga dhanka Ammaanka, Wardoonka iyo sidii Booliska Soomaaliya looga taageeri lahaa dhanka tababarka iyo farsamada.

Wargeyska Akhbaar Alyoom ee ka soo baxa Qaahira ayaa qoray in Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar sheegay inay laba jibaari doonaan dadaalka Iskashiga ee Masar iyo Somalia  iyo xoojinta Jadwalka shaqo ee Hay’addaha Ammaanka ee labada Waddan, si looga hortago khataraha dhanka Ammaanka iyo Deganaanshaha.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Masar, Sarreeye Gaas Maxamuud Towfiiq waxa uu tilmamaay inay muhiim tahay in la sii wado Iskaashiga labada dal iyo Nidaamka Wardoonka, si loo naafeeyo Dembiyadda wax loogu dhimayo Deganaanshaha iyo Ammaanka.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Gudaha ee DFS, Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu ku amaanay Dowladda Masar kaalinta hoggaamineed ee Qaaradda Afrika, isla markaana ay Hay’addaha Ammaanka Somalia doonayaan inay ka faa’ideystaan Khibradda Hay’addaha Ammaanka Masar iyo inay tababaraan Ciiddanka Booliska Soomaaliyeed.

Warbaahinta dalka Masar waxay kaloo sheegeen inay Labada Wasiir dhamaadka kulankooda ku wada saxiixeen Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku aadan Iskaashiga Amniga, Is-dhaafsiga Khibradaha iyo Wardoonka ee Hay’addaha Ammaanka ee labada Waddan.

- Advertisement -

Kulanka Wasiirka Amniga Gudaha ee DFS, Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” la yeeshay Wasiirka Arrimaja Gudaha Masar, Jeneral Maxamuud Towfiiq waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Somalia u jooga Masar, Ambasaador C/qani Maxamed Wacays iyo Wafuud ka kala socotay Labada Waddan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts