HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay,kadib Shirkii Sharma Sheekh

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay,kadib Shirkii Sharma Sheekh

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Shirka Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub ee sannadkan waxa lagu lafo-guray arrimaha ay wadaagaan labada dhinac iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka tahriibka, xasilooni darrada iyo isbeddelka cimilada.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo oo Shirka Khudbad ka jeediyay ayaa bogaadiyay qabsoomidda shirka isaga oo xusay in iskaashiga dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub uu muhiim u yahay xallinta caqabadaha horyaalla labada dhinac oo u baahan wadashaqayn iyo iskaashi miradhal ah.

Madaxweynaha ayaa intii aanu ka soo ambabixin magaalada Sharm El-Sheikh waxa uu saaka la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Denmark Mudane Lars Rasmussen, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii Denmark u maalgashan lahayd Soomaaliya, sarena ugu qaadi lahayd taageerada ay siiso Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa magaalada Sharm El-Sheikh shir doceedyo la yeeshay madaxda dalalka Ciraaq, Talyaaniga iyo Faransiiska, isaga oo kala hadlay inay dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab istaagaan dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto in deynta laga cafiyo.

- Advertisement -
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories