HomeWararSawirro:-Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiiradda Jubbaland

Sawirro:-Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiiradda Jubbaland

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulanka golaha Wasirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan oo muhiim ah. Ugu horayn Arimaha Amniga iyo Siyaasada ayuu Madaxweynahu golaha uga warbixiyay iyo sida ay tahay xaalada Nabadgalyada deeganada Jubbaland ee xorta ah iyo sidii Hay’adaha ku shaqada leh ay usii adkayn […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulanka golaha Wasirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan oo muhiim ah.

Ugu horayn Arimaha Amniga iyo Siyaasada ayuu Madaxweynahu golaha uga warbixiyay iyo sida ay tahay xaalada Nabadgalyada deeganada Jubbaland ee xorta ah iyo sidii Hay’adaha ku shaqada leh ay usii adkayn lahayeen.

- Advertisement -

Gudiga Dakhliga ayaa laga dhagaystay warbixin la xiriirta sida ay u socdaan howlaha dakhliga iyo caqabadaha ilaa hada jira iyadoo golahu uu bogaadiyay dadaalka gudigan isla markana la isku raacay in lasii laba jibaaro shaqada.

Waxaa kale oo golahu uu warbixin ka dhagaystay Wasaarada Caafimaadka iyadoo Xubno Wasaarada katirsan oo uu hogaaminayo WasiIr ku xigeenka Waasarada ay howlo shaqo u joogan Goboolka Gedo waxaa sidoo kale Wasaaradu ay soo bandhigtay hanaanka fidinta Adeegyada Caafimaad iyadoo Xarumo Caafimaad laga hirgalinayo dhamaan deeganada ay dadweynahu ku noolyahiin ee xorta ah gaar ahaan waxaa qorshahan lagu bilaabaya Deeganada Waqooyiga iyo aaga joore si dadka halkaas ku nool ay u helaan adeegyo dhamaystiran.

Wasaaradu waxaa kale oo ay hirgalinaysa Xarumo lagu dabiibo Hooyada iyo Dhalaanka kaas oo laga hirgalinayo qaybtiisa ugu horaysa deegaanka Buulo Guduud.

- Advertisement -

Wasaaradaha Kaluumaysiga Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha ayaa iyaguna sharaxaad dheeri ah ka bixiyay shirar iyo kulamo ay maalmahii lasoo dhaafay la yeesheen Hay’adaha iyo dhinacyada ay wada shaqaynta la leeyahiin taas oo ku saabsan sidii howlaha shaqo ee ka dhexeeya loo dardar galin lahaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts