HomeCaalamkaSawirro:-Qodobo kasoo baxay Shirka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada

Sawirro:-Qodobo kasoo baxay Shirka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada oo maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka dib-u-habaynta aqoonta shaqaalaha oo ay wado wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo Sharciga dawooyinka oo ay diyaarisay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo guddoomiyay kulanka maanta ayaa sheegay in dawladda ay ka go’antahy in mawaadiniinta Soomaaliyeed ay siiso adeegyo caafimaad iyo waxbarasho oo tayo leh si loo horumariyo nolosha iyo wax soo saarka bulshada.

- Advertisement -

Sharciga Dawooyinka ee maanta lagu soo bandhigay tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshadu waxa ay u gudbinaysaa golaha wasiirrada si ay u ansixiyaan loona hor-geeyo golaha sharci dejinta.

Halbeegyada sannadkaan laga doonayo in ay ku guulaysato wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa qayb ka ah dib-u-eegista sharciga shaqaalaha rayidka ah iyo horumarinta siyaasadda iyo barnaamijka ammaanka bulshada, halka wasaaradda caafimaadka laga doonayo in dhaqan geliso xeerka qaran ee xirfadda caafimaadka, aasaasidda iyo ka shaqaysiinta guddiga qaran ee la socodka dawada, dhismaha kaydka qaran ee dawada iyo aasaasimdda machadlka qaran ee caafimaadka.

Latest stories