HomeCaalamkaDiyaarad uu saarnaa Ciyaaryahan ka tirsan horyaalka Premier League-ga oo la waayay

Diyaarad uu saarnaa Ciyaaryahan ka tirsan horyaalka Premier League-ga oo la waayay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Mid ka mid ah ciyaartoyda ku biiray horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa la socday diyaarad nooca yar yar ah oo la waayay xilli ay ku duuleysay hawada jasiiradaha Channel Islands. Emiliano Sala oo ah weeraryahan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka jooga £15malyan oo gini ayaa ka mid ahaa 2 ruux oo la socotay diyaaraddaas […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Mid ka mid ah ciyaartoyda ku biiray horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa la socday diyaarad nooca yar yar ah oo la waayay xilli ay ku duuleysay hawada jasiiradaha Channel Islands.

Emiliano Sala oo ah weeraryahan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka jooga £15malyan oo gini ayaa ka mid ahaa 2 ruux oo la socotay diyaaraddaas la la’yahay tan iyo habeenimadii ay Isniinta sii baxeysay.

- Advertisement -

Ciyaartoygan 28 jirka ah oo u dhashay dalka Argentina ayaa ka tirsanaa kooxda Cardiff City oo ku jirta horyaalka heerka koowaad ee dalka Ingiriiska.

Maamulka kooxda Cardiff City, oo Sabtidii laacibkan lacagtii ugu badneyd abid uga soo iibsatay kooxda ka dhisan dalka Faransiiska ee Nantes ayaa sheegay in ay “aad uga naxeen” warka ku saabsan diyaaradda uu la socday ee luntay.

Booliska jaziiradda Guernsey ayaa sheegay inuusan jirin wax tix raac ah oo horseedi kara halka ay ku dambeyso diyaaraddaas oo ku wajahneyd magaalada Cardiff.

- Advertisement -

Qoyska ciyaartoygan ayaa sheegay iney aad ula murugeysan yihiin dhacdadan lama filaanka ku noqotay.

Sala aabihiis oo lagu magacaabo Horacio ayaa telefishinka Argentine TV channel C5N u sheegay inuu qof saaxiibkiis ah ka maqlay warka ku saabsan wiilkiisa.

“Anigu waxba kama ogeyn arrintan. Ma rumeysan karin aad baana u niyad jabsanahay, waxaan rajeynayaa in wax walba ay hagaagi doonaan”, ayuu yiri.

Dhinaca kale John Fitzgerald oo ah madaxa hoggaaminaya howlgalka lagu raadinayo diyaaraddan ayaa sheegay in ay “aad u yar tahay suurtagalnimada lagu heli karo qof ka nool labadii ruux ee la socotay diyaaraddaas”.

“Waxay ila tahay iyadoo cimilada badda ay sidan tahay iney adagtahay helitaanka qof nool oo xaaladdan cimilada ah ka badbaadi kara”, ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in hadda cimilada badda ay aad u qabowdahay, qofkii aan si dhakhso ah looga gaarinna ay durba soo wajaheyso kahatar dhimasho ah.

XIGASHO BBC SOMALI

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts