HomeCaalamkaSawirro:-Jilaa Caan ah oo geeriyooday

Sawirro:-Jilaa Caan ah oo geeriyooday

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Sida uu ku soo warramay wargeyska The Hindustan Times oo kamid ah wargesyada ugu afka dheer dalka Hindiya, Jilaaga caanka ah ee reer Hindiya, Khadar Khan oo in muddo ah ku xanuunsanaa dalka Canada ayaa geeriyooday. Qader Khan oo heystay diinta Islaamka ayaa maqaam sare kaga jiray fanka dalka Hindiya, waxaana uu ka qeyb qaatay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sida uu ku soo warramay wargeyska The Hindustan Times oo kamid ah wargesyada ugu afka dheer dalka Hindiya, Jilaaga caanka ah ee reer Hindiya, Khadar Khan oo in muddo ah ku xanuunsanaa dalka Canada ayaa geeriyooday.

Qader Khan oo heystay diinta Islaamka ayaa maqaam sare kaga jiray fanka dalka Hindiya, waxaana uu ka qeyb qaatay tobanaan filim oo Hindi ah.

- Advertisement -

Wiil uu dhalay jilaaga oo lagu magacaabo Sarfaraz ayaa warbaahinta dalka Hindiya u xaqiijiyay in aabihii uu geeriyooday.

”Aabahay waxaa uu geeriyooday 31 bishii Disembar, lixdii galabnimo xiliga wadanka Canada, waxaana uu isbitalka ku jiray 16-17 isbuuc, waxaana lagu aasi doonaa Canada”. Sidaasi waxaa yiri Sarfaraz.

Khan iyo qoyskiisa ayaa sannadihii dambe ku noola dalka Canada, waxaana intii aanan la geynin isbitalka uu ka sheeganayay caabuq dhanka feeraha ah. Qadar Khan ayaa caan ku ahaa majaajilada aflaanta Hindiga, waxaana aad loogu xusuusta doorkii uu ku lahaa aflaan badan oo caan ah si weynna loo daawaday, kuwaasi oo lagu jilay dalka Hindiya.

- Advertisement -

Khan ayaa inta badan jili jiray madadaalada aflaanta, isagoo na mararka qaar aflaanta ku jili jilay qaab waalidnimo iyo buracdnimo ah.

Khadar Khan oo dhashay sannadkii 1937, asal ahaan na ka soo jeeda magaalada Kabul ee dalka Afghanistan ayaa wakhtigiisa ugu badan kusoo qaatay dalka Hindiya, waxaana uu sidoo kale heystay dhalashada dalka Canada.

Geerida Khadar Khan ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay jilayaal caan ah oo uu kamid yahay Amitab Bachchan oo soomaalidu ay u taqaano Cali dheere.

”Waa war aad looga naxo, waxaana ka tcasiyeynayaa geerida ku timid Khadar Khan”. Ayuu yiri Amitab Bachchan.

Sidoo kale dhimashada Qader Khan ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay Akshay Kumar oo kamid ah jilayaal badan oo caan ah, kuwaasi oo la soo shaqeeyay, Waxaana uu aflaan kala duwan la soo jilay jilayaal ay kamid yihiin Govinda, Amitab Bachchan, Akshay Kumar iyo Sunnil sheety.

BBC SOMALI

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts