HomeCaalamkaDhacdo Naadir ah: Haweeney ku dhalatay Ilmo-galeen la’aan oo Ubad ku dhashay...

Dhacdo Naadir ah: Haweeney ku dhalatay Ilmo-galeen la’aan oo Ubad ku dhashay Min laga soo saaray Haweeney horey u geeriyootay

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Dhakhaatiir ku sugan dalka Brazil ayaa sheegay inay  ku guuleysteen Tijaabadii ugu horreysay ee uu ku dhasho ilmo lagu beeray Min lagu tallaalay Makaanka Ilmo-galeenka ee Hooyadiisa.

Hooyo 32 jir oo  ilmo-galeen la’aan ku dhalatay ayaa la sheegay in lagu beeray Minka laga soo saaray Haweeney geeriyootay,

Ilmaha yar oo gabar ah oo caafimaad qabta ayaa la sheegay inay bishii December ee sannadkii hore ku dhalatay magaalladda Sao Paulo ee dalka Brazil.

Dhakhaatiirta waxay horey ugu guul-daraysteen 11- isku-day oo lagu beeray min laga soo saaray Haween kale.

Balse, dhalashadda gabadhaasi waxay Saynis-yahanadda iyo Dhakhaatiirta ku beertay Yididiilo, waxayna codsiyo ka heleen Kumanaan Haween oo doonayo inay qaab bacriminta lagu beero Minka lagu sameeyo, si ay u helaan Ubad.

Dhakhaatiirta waxay guusha ilmaha ku dhashay qaabkaasi ku soo bandhigeen Wargeyska ka faallooda Arrimaha Caafimaadka ee The Lancet.

Dhakhaatiirta ka hawlgala Isbitaalka lagu magacaabo Das Clinicas ee Jaamacadda “the University of Sao Paulo” ayaa fuliyey Hawlgalkaasi, iyagoo sheegay in ay Haweeney geeriyootay bishii September ee sannadkii 2016-kii ay ku yaboohay Miinka lagu tallaalay Ilmo-galeenka Haweeneyda  dhashay ilmaha ugu horreeyey ee ku dhashay Qaabkaasi.

Hooyada cusub ayaa la sheegay inay ku dhalatay Ilmo-galeen la’aan, iyadoo Xaalladaasi ay Dhakhaatiirta ugu yeeraan Mayer-Rokitansky-Kuster-Hauser syndrome (MRKH).

Dhakhaatiirta waxay sheegeen in Haweeneyda  ku deeqday Ilmo-galeenka oo 45-jir ah ay u geeriyootay Cuddurka Qalalka (Stroke), waxayna horey deeq ahaan dad kale u hibeysay  Wadnaheeda iyo Kelyaheeda.

Gabadha yar ee ku dhalatay Qaabka cusub ee Ilmo-galeenka lagu tallaalay waxaa dhalatay 35 isbuuc iyo 3 maalmood kadib, markii Hooyadeeda uurka qaatay, waxaana gabadha yar dhererkeeda lagu sheegay 45 cm, oo ah celcelis ahaanta ay ilmaha yar ku dhashaan.

Si kastaba ha ahaatee, Bacrimintii ugu horreysay oo uu ku deeqo qof nool ayaa waxa uu ka dhacay dalka Sacuudiga sannadkii 2000, balse ma jirin ilmo ku dhashay qaabkaasi tan iyo sannadkii 2002-dii oo laga fuliyey dalka Sweden.

8 carruur ah ayaa waxay ku dhashay dalka Sweden, kuwaasi oo qeyb ka ah 9 hawlgal oo min loogu tallaalay Haween ilmo-doon ahaa,

Hawlgalka kale oo ay ku dhasheen 3 carruur ayaa la sheegay in laga fuliyey dalalka Maraykanka iyo Serbiya.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories