HomeCaalamkaSoomaaliya iyo UNHCR oo ka wada hadlay Soomaalida ku go'doonsan Liibiya

Soomaaliya iyo UNHCR oo ka wada hadlay Soomaalida ku go’doonsan Liibiya

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay Magaalada Geneva ee Switzerland Guddoomiyaha hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey (UNHCR) Mudane Filippo Grandi, waxa uu kala hadlay barnaamijka dib ugu celinta dalka si iskeed ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, Yemen iyo Liibiya. Kulanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay Magaalada Geneva ee Switzerland Guddoomiyaha hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey (UNHCR) Mudane Filippo Grandi, waxa uu kala hadlay barnaamijka dib ugu celinta dalka si iskeed ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, Yemen iyo Liibiya.

Kulanka miro dhalay oo sidoo kale looga dooday kaalmo u fidin degdeg ah oo lala gaaro qaxootiga kahor intaanan dalka dib loogu celin iyo kadibba, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ergeyga Joogtada ee Soomaaliya u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva, Marwo Faadumo Cabdullahi Maxamuud (Insaaniya), Safiirka Soomaaliya ee wadamada la isku yiraahdo “Benelux” iyo Xarunta Midowga Yurub ee Brussels Dr. Cali Siciid Faqi, Guddoomiyaha Hey’adda Qaranka ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha, Mudane Axmed Cabdikarim Nuur (Axmed-Daahir) iyo Ergeyga gaarka ee Soomaaliya ee Tahriibka iyo Xuquuqda Caruurta, Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.

- Advertisement -

Dowladda Soomaaliy ayaa horay dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa qaar ka mid ah dalalka Caalamka oo uu ka mid yahay dalka libya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts