HomeWararShaqaalihii Kenyanka ee ka xoogsan jiray Kaawooyinka oo Dibadax ka dhigay...

Shaqaalihii Kenyanka ee ka xoogsan jiray Kaawooyinka oo Dibadax ka dhigay Mandheera

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Shaqaalahaasi ayaa la sheegay inay ka cabanayeen go’aankii ay Dowladda Kenya ku xirtay dhamaan goobihii laga qodi jirey Dhagxaanta ee ku yaalla W/bari ee dalkaasi. In ka badan 50 Shaqaale ayaana shalay dibadbax socod ah ku soo maray Waddooyinka Mandhera, waxayna tageen Xafiiska Maamulka Degmadda,  waxayna codsadeen in dib loogu furo Kaawooyinka oo ay Dowladda […]

- Advertisement -

Shaqaalahaasi ayaa la sheegay inay ka cabanayeen go’aankii ay Dowladda Kenya ku xirtay dhamaan goobihii laga qodi jirey Dhagxaanta ee ku yaalla W/bari ee dalkaasi.

In ka badan 50 Shaqaale ayaana shalay dibadbax socod ah ku soo maray Waddooyinka Mandhera, waxayna tageen Xafiiska Maamulka Degmadda,  waxayna codsadeen in dib loogu furo Kaawooyinka oo ay Dowladda Kenya xirtay 3 isbuuc ka hor.

- Advertisement -

Dowladda Kenya waxay bishan May 4=da amartay in la xiro Kaawooyinka laga qodo Dhaxaanta ee Mandhera, kadib, markii 4 ka tirsan shaqaalahaasi lagu dilay weerar ay Xarakadda Akshabaab ku qaadeen Kaawo ku taalla inta u dhexeysa Deegaanadda Shimbir iyo Faatuma.

Dhinaca kale, inta badan Shaqaalaha ka xoogsada goobaha laga qodo Dhagaxa waxay sheegeen in laga soo wada saaray gurihii u kireysnaa, isla markaana aysan haysanin Lacag ay guryo ku kireystaan ama ay ka dhigtaan Quutal-daruuriga.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Guddoomiyaha Mandera, Cali Roobo waxa uu shaqaalahaasi ugu deeqay Cunto, balse waxay shaqaalaha sheegeen inay ka dhamaatay Cuntadii loogu deeqay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories