HomeWararSawirro:-Wasaaradda Amniga oo ka hadashay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Afgooye

Sawirro:-Wasaaradda Amniga oo ka hadashay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Afgooye

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Duhurnimadii Maanta ayay aheyd markii gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lagu weeraray kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mareykanka uu tababaray ee Saldhiga ku leh Garoonka Balli-doogle xillia ay marayeen meel u dhow Koontoroolka Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye,waxana qaraxaas ka hadashay Wasaaradda Amniga Soomaaliya. Wasiirka Amniga […]

- Advertisement -

Duhurnimadii Maanta ayay aheyd markii gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lagu weeraray kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mareykanka uu tababaray ee Saldhiga ku leh Garoonka Balli-doogle xillia ay marayeen meel u dhow Koontoroolka Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye,waxana qaraxaas ka hadashay Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in Gaariga markii ay ku adkaatay in uu dhaafo goob ay ku sugnayeen Ciidamada oo aad u dhiiranaa una diyaarsanaa ka hortagga falalka ay soo maleegaan Alshabab uu kaligiisa iska qarxay kadib markii ay Ciidanku rasaaseeyeen.

- Advertisement -

Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa intaasi kudaray in aysan jirin Wax khasaaro Nafeed ah oo uu geystay marka laga reeebo in uu ku dhintay ninkii waday gaarigaasi siday Walxaha Qarxa.

Al-Shabaab ayaa waxa ay horay u sheegeen in qaraxaas ay ku diley 12 ka mid ah askarta soomaaliya balse Wasiirka Amnigu uu sheegay in wax khasaaro ah uusan geysan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories