HomeWararMaamulka G/Banaadir oo Gacanta ku dhigay Shaqsiyaad sameynayey sharciyada Been-Abuurka ah

Maamulka G/Banaadir oo Gacanta ku dhigay Shaqsiyaad sameynayey sharciyada Been-Abuurka ah

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa u digay shaqsiyaadka ku howllan sameynta sharciyada Been-Abuurka ah ee lagu xalaalaysanayo dhulalka dadweynaha, iyadoo ciddii lagu helana caddaaladda la horgeyn doonno lagana qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan. Waaxda Maamulka Dhulalka ee Gobolka Banaadir ayaa qabatay labo shaqsi oo dokumenti Been-Abuur ah ku […]

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa u digay shaqsiyaadka ku howllan sameynta sharciyada Been-Abuurka ah ee lagu xalaalaysanayo dhulalka dadweynaha, iyadoo ciddii lagu helana caddaaladda la horgeyn doonno lagana qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan.

Waaxda Maamulka Dhulalka ee Gobolka Banaadir ayaa qabatay labo shaqsi oo dokumenti Been-Abuur ah ku raadinayey in dublikaato loogu sameeyo ahaana dhul ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana lagu wareejiyey laamaha amniga iyo Xeer Illaalinta Guud si baaritaan dheer ah loogu sameeyo.

- Advertisement -

Guddoomiyaha ayaa kula dar-daarmay shacabka ku nool Caasimadda in laga feejignaado sharciyada been abuurka ah oo ah fal-danbiyeed qofkii lagu helo uu ku mudan karo ciqaab adag.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa horey tallaabo uga qaaday shaqsiyaad ku howllanaa sameynta Warqado been abuur ah, waxana la horgeeyey Caddaaladda, tanna waxay caddayneysaa in maamulku aanu u dulqaadanayn musuq-maasuqa iyo sameynta sharciyada suuqa madow.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories