HomeWararDEG DEG:-Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Jowhar

DEG DEG:-Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Jowhar

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada Xubin ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya. Howlka Farjano ee Magaalada Jowhar ayay doorashada ka bilaabatay,waxaana dhammaan xaadir ah musharixiinta,iyada oo ay ammaanka ilaalinayaan Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM,waxana codeyn doona 51 Ergo. Ilaa 6 Musharax ayaa ku tartamaya doorashada oo ay ugu cadcadyihiin taliyihii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada Xubin ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Howlka Farjano ee Magaalada Jowhar ayay doorashada ka bilaabatay,waxaana dhammaan xaadir ah musharixiinta,iyada oo ay ammaanka ilaalinayaan Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM,waxana codeyn doona 51 Ergo.

- Advertisement -

Ilaa 6 Musharax ayaa ku tartamaya doorashada oo ay ugu cadcadyihiin taliyihii hore ee ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cli Sanbaloolshe iyo Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Gudoomiyaha Gudiga doorashoyinka Madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil( Xaliimo Yareey) ayaa Goobta ka akhrisay shuruucda doorashada iyada oo rajo wanaagsan ka muujisay in ay doorashadu ku dhacdo si cadaalad ah.

Musharixiinta ayaa haatan jeedinaya hadalo kooban oo ku saabsan taarikhdooda iyo waxyaabihii ay qaban doonaan.

- Advertisement -

Musharixiinta uu Maanta loolanka adag u dhaxeeya ayaa kala ah

1:- Cali Cabdullaahi Cosoble

2:- Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe

3:- Nuur Iidow Beyle

4:- Xuseen Axmed Geelle

5:- Dahabo Xasan Axmed

6:-Dahir Cabdulle Cawaale

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts