HomeWararSawirro:-Shariif Xasan oo Baydhabo ka Dhagax-dhigay Waddo Cusub

Sawirro:-Shariif Xasan oo Baydhabo ka Dhagax-dhigay Waddo Cusub

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maanta dhagax dhigay Waddo 3-KM ah oo ka bilaabaneysa garoonka diyaaradaha Baydhabo, sidoo kalena ku eg madaxtooyada magaaladaasi. Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ee K/galbeed C/laahi Aadan Cali , oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhismaha wadadan ay gacan weyn ka geysanayaan wasaaradaha maaliyadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maanta dhagax dhigay Waddo 3-KM ah oo ka bilaabaneysa garoonka diyaaradaha Baydhabo, sidoo kalena ku eg madaxtooyada magaaladaasi.

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ee K/galbeed C/laahi Aadan Cali , oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhismaha wadadan ay gacan weyn ka geysanayaan wasaaradaha maaliyadda dowladda Federaalka iyo tan maamulkooda.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay wasiirka in wadadan ay sidoo kale shaqo abuur u tahay dhallinyarada ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa dowladda Federaalka oo gacan weyn ka geysatay arrintan, dhanka kalena shaqo abuur ayeey  u tahay dhallinyarada Baydhabo ku sugan” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, Madaxweyne Shariif Sheekh Aadan ayaa dhismaha wadadan ku sheegay iney tahay mid muhiimad weyn leh, isaga oo tilmaamay in lasii wadi doono dib u dhiska.

- Advertisement -

“Cid walbo oo kaalin ka geystay dib u dhiska wadadan aad baan ugu mahadcelineynaa, dadweynaha reer K/galbeed gaar ahaan dhallinyarada shaqo abuurka loo sameynayo iney ka faa’ideystaan ayaan ugu baaqeynaa oo si wanaagsan u dhisaan” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sanadahan dambe laga dareemayaa dib u dhis ballaaran oo lagu sameynayo Xarumaha Muhiimka ah ee Magaaladaas.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts