HomeWararQM oo ka shiraysa Qaraar ku aadan Arrinta Qudus

QM oo ka shiraysa Qaraar ku aadan Arrinta Qudus

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dowladda Dalka Masar ayaa Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa u gudbisay Qaraar qabyo ah oo ku aadan sharci ahaan Shaha magaalada Barakaysan ee Qudus,taasi oo Mareykanka uu sheegay in uu u aqoonsaday in ay tahay Caasimadda Israel,balse ka dhalatay caro ay muujiyeen dhamaan Dadyooga Caalamka gaar ahaan Muslimiinta. Wuxuu Qaraarkan qabyada ah ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Dalka Masar ayaa Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa u gudbisay Qaraar qabyo ah oo ku aadan sharci ahaan Shaha magaalada Barakaysan ee Qudus,taasi oo Mareykanka uu sheegay in uu u aqoonsaday in ay tahay Caasimadda Israel,balse ka dhalatay caro ay muujiyeen dhamaan Dadyooga Caalamka gaar ahaan Muslimiinta.

Wuxuu Qaraarkan qabyada ah ka dhigayaa in sal iyo raad aysan sharciga ku lahayn in hal dhinac uu go’aan ka gaaro mustaqbalka magaalada Qudus,taasi oo loola jeedo go’aanka Mareykanka.

- Advertisement -

Qaraarkan qabyada ah ee loo gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqaya dhammaan dalalka kale in ay ka dheeraadaan in ay safaaradahooda ka samaystaan magaalada Qudus.

Dublamaasiyiinta ayaa sheegaya in qaraarkani uu haysto taageerada inta badan xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, inkastoo laga cabsi qabaa in xukumadda Washington ay adeegsadto codka diidmada qayaxan ee Veto.

Tillaabooyiinkan oo ay soo jeedisay dowladda Masar ayaa ku soo beegmaya ka dib markii uu madaxwayne Trump ku dhawaaqay in Mareykanka ay Qudus u aqoonsadeen caasimada Israa’iil.

- Advertisement -

Arrintani ayaa waxaa ay u muuqataa mid sii hurinkarta xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe,iyadoo haatan uu socdo kacdoon ay wadaan Shacabka Reer Falastiin,iyo guud ahaan bulshooyinka Muslimiinta ah ee ku kala nool daafaha Dunida.

Qadiyadda Magaalada Qudus ayaa ah mid in muddo ah soo jiitamaysay,waxaana ay xudun u tahay dhamaan dunida Muslimka ah,waxaana looga fadhiyaa dhamaan wadamada Islaamku in ay jawaab adag ay ka bixiyaan Go’aanta Donald Trum oo loo arko in uu yahay mid qaldan.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts