HomeWararXiisad dagaal oo ka taagan gobolka Bakool iyo Muqtaar Roobow oo ku...

Xiisad dagaal oo ka taagan gobolka Bakool iyo Muqtaar Roobow oo ku wajahan deegaanka Abal

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Xiisad dagaal ayaa saaka ka taagan deegaanka Abal ee Gobolka Bakool taasi oo u dhaxaysa Maleeshiyo daacad u ah Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur iyo kuwa Shabaab. Ciidanka Rooboow ayey wararku sheegayaan inay doonayaan inay ku duulaan ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo maalmihii dambe soo buux dhaafinayey deegaano u dhaw deegaankaasi Jimcihiina dagaal la galay Maleeshiyaadka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xiisad dagaal ayaa saaka ka taagan deegaanka Abal ee Gobolka Bakool taasi oo u dhaxaysa Maleeshiyo daacad u ah Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur iyo kuwa Shabaab.

Ciidanka Rooboow ayey wararku sheegayaan inay doonayaan inay ku duulaan ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo maalmihii dambe soo buux dhaafinayey deegaano u dhaw deegaankaasi Jimcihiina dagaal la galay Maleeshiyaadka deegaankaasi ku sugan.

- Advertisement -

Dhinaca kale Mukhtaar Rooboow oo ay wehlinayaan saraakiil iyo xubno ka tirsan maamulka Koofur-galbeed ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan deegaanka Abal ee G/Bakool si ay uga qaybgalaan Tacsida wiil u dhalay Mansuur iyo saraakiil ka mid ah ciidankiisa oo Jimcihii la soo dhaafay ku dhintay dagaal ay la galeen Al-shabaab.

Waxaana safarka Abuu mansuur ku wehlinaya sida ay inoo xaqiijiyeen masuuliyiin ka mtirsan maamulka Koofur-galbeed wasiirkii hore ee gaashaan-dhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed,Guddoomiyaha Gobolka Bakool,Wasiirro aanan magacyadooda helin iyo Sarakiil ciidan oo K/galbeed ka tirsan.

Kulamo Xalay Ka Dhacay degmada Xudur oo Rooboow uu ku hoyday ayaa lagu go’aamiyey sida aan wararka ku helayno in deegaanka Abal iyo degmada Xudur la isku furo Maleeshiyada halkaa joogana ay ciidanka dowladda la saftaan ayna ka qayb-qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts