HomeWararMadaxweynaha dalka Nigeria oo ku xanuunsan Isbitaal ku yaalla London.

Madaxweynaha dalka Nigeria oo ku xanuunsan Isbitaal ku yaalla London.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweyne Muxamadu Buhaari oo 74-jir ah ayaa ka codsaday Barlamaanka dalkiisa inay u kordhiyaan Xilliga uu Hawlaha Caafimaadka ugu maqan yahay dalka Britain. In ka badan 2 isbuuc ayuu ku sugan yahay Isbitaalka, wuxuuna qorshuhu ahaa inuu shalay dib ugu soo laabto caasimadda dalkiisa ee Abuja. Lama sheegin muddada dheeraadka ee uu Madaxweynuhu ka codsaday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne Muxamadu Buhaari oo 74-jir ah ayaa ka codsaday Barlamaanka dalkiisa inay u kordhiyaan Xilliga uu Hawlaha Caafimaadka ugu maqan yahay dalka Britain.

In ka badan 2 isbuuc ayuu ku sugan yahay Isbitaalka, wuxuuna qorshuhu ahaa inuu shalay dib ugu soo laabto caasimadda dalkiisa ee Abuja.

- Advertisement -

Lama sheegin muddada dheeraadka ee uu Madaxweynuhu ka codsaday Barlamaanka, waxaana laga dayrinayaa Xaalladda Caafimaadkiisa, sida ay sheegeen xubno ku dhowdhow Madaxtooyadda dalkaasi.

Afhayeenka Madaxweynaha Nigeria o olagu magacaabo Garba Shehi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inaysan xaalladda Madaxweynaha ahayn mid khatar caafimaad-darro leh.

Madaxweyne Buhaari waa socdaalkii labaad ee uu sababo Caafimaad ugu ambabaxo dalka Britain, iyadoo bishii June ee sannadkii hore laga soo daaweeyey infekshin dhinaca Dhegta.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts