HomeWararXiriirka Ururadda Shaqaalaha Somalia oo cambaaraysay Fargelinta Midowga Afrika iyo AMISOM

Xiriirka Ururadda Shaqaalaha Somalia oo cambaaraysay Fargelinta Midowga Afrika iyo AMISOM

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

War Qoraal oo ka soo baxay Xiriirka Ururadda Shaqaalaha Somalia (FESTU) waxay si xooggan u cambaareeyeen Ururka Midowga Afrika iyo Hawlgalka AMISOM oo ay tilmaameen inay faragelin joogto ah ku hayaan Arrimaha Xiriirka Shaqaalaha Somalia. War-saxaafadeedka Xiriirka FESTU oo ah Urur Shaqaale oo Madax-bannaan, kana diiwaan gashan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee Dowladda Federalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

War Qoraal oo ka soo baxay Xiriirka Ururadda Shaqaalaha Somalia (FESTU) waxay si xooggan u cambaareeyeen Ururka Midowga Afrika iyo Hawlgalka AMISOM oo ay tilmaameen inay faragelin joogto ah ku hayaan Arrimaha Xiriirka Shaqaalaha Somalia.

War-saxaafadeedka Xiriirka FESTU oo ah Urur Shaqaale oo Madax-bannaan, kana diiwaan gashan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee Dowladda Federalka Somalia waxaa kaloo lagu xusay inay Midowga Afrika dhowr jeer kala hadleen inay joojiyaan Faragelinta, balse, ay haatan u muuqato inuu dalku ku hoos jiro Gumeysi iyo  inaysan Midowga Afrika aqoonsanayn Hay’addaha Federalka Somalia iyo Ururradda diiwaan gashan.

- Advertisement -

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Xiriirka Ururadda Shaqaalaha Somalia (FESTU), Dr. Abdirahman Hassan Omar ayaa ugu baaqay Midowga Afrika inay si degdeg ah u joojiyaan Faragelinta ay ku hayaan Xarunta Shaqaalaha.

“Waa sharci-darro, Midowga Afrika nooma yeeri karaan wax kasta oo ay doonayaan” ayuu yiri Mas’uulkaasi ka tirsan Xiriirka Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Xiriirka Ururadda Shaqaalaha Somalia  waxa uu sheegay in Faragelinta Midowga Afrika iyo AMISOM tahay mid Sharci-darro, oo khatar xooggan gelin karta Ammaanka Saraakiisha Xiriirkaasi.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Ururka Midowga Afrika iyo Saraakiisha AMISOM weli kama hadlin cambaaraynta la xiriirta inay faragelin toos ah ku hayaan Arrimaha khaaska u ah Xiriirka Ururadda Shaqaalaha Somala (FESTU).

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts