HomeCiyaaraha42 Sano Kadib Boondheere oo ku guuleysatay Tartanka degmooyinka Gobalka Banaadir+Sawiro

42 Sano Kadib Boondheere oo ku guuleysatay Tartanka degmooyinka Gobalka Banaadir+Sawiro

Date:

Related stories

Sababta Arsenal iyo Manchester City looga saaray Wembley

Arsenal iyo Manchester City ayaa Community Shield-ka 2026 ku ciyaaraya Cardiff halkii Wembley, iyadoo la shaaciyay sababta kulanka looga wareejiyay garoonka caanka ah ee London.

Garsoore Cumar Cartan oo taariikh ka sameynaya UEFA Super Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa maanta garsooraya UEFA Super Cup-ka u dhexeeya Paris Saint-Germain iyo Aston Villa,

Japan Oo Rajo Cusub U Abuurtay Dadka somalida Ilkaha Waayay si loogu abuuro ilko cusub

Cilmi-baarayaal Japan ah ayaa bilaabay tijaabooyin bini'aadam oo ku saabsan daawo loogu talagalay in dadka ka caawiso inay si dabiici ah u koraan ilko cusub,

Degmada Boondheere ayaa ku guuleysatay Tartankii Kubadda Cagta degmooyinka Gobolka Banaadir ee 17-ka degmo oo soo bilowday 1-dii Agosto, iyadoo ciyaartii kama dambeysta ee Final-kaoo ay isugu soo hareen xulka degmada Waabari ay uga badisay 1-0. Tartankan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ahaa kii labaad oo inta uu xilka haayo Guddoomiye […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Degmada Boondheere ayaa ku guuleysatay Tartankii Kubadda Cagta degmooyinka Gobolka Banaadir ee 17-ka degmo oo soo bilowday 1-dii Agosto, iyadoo ciyaartii kama dambeysta ee Final-kaoo ay isugu soo hareen xulka degmada Waabari ay uga badisay 1-0.

Tartankan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ahaa kii labaad oo inta uu xilka haayo Guddoomiye Muungaab loo qabto 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, waxaana uu ahaa mid ka qeyb qaadanayay is dhex galka bulshada, dhiira gelinta dhalinyarada, iftiinka nabadda ka jirta Caasimadda Muqdisho iyo dib u soo nooleynta ciyaarihii uu caanka ku ahaa Gobolka.

- Advertisement -

Ciyaartii Finalka ee ay isugu soo hareen degmooyinka Boondheere iyo Waabari ayaa aheyd mid aad u xiiso badan oo ciyaartoyda labada degmo ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsaneyd, waxaana labada koox taageero ka helayeen kumanaan dadweyne oo ka kala yimid 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Kooxda degmada Boondheere ayaa 1-0 uga badisay kooxda degmada Waabari, waxaana labada koox qeybtii labaad ka qaatay kaarka casaanka ah labo ciyaartoy, kadib markii qaladaad ay galeen.

Guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Banaadir Xasan Aadan Yabarow Wiish ayaa sheegay in tartankan loogu talagalay isdhexgalka bulshada, ayna joogteen doonaan tartamada nuucaani oo kale ah.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tartanka uu si guul ah ku soo dhamaaday, isagoo uga mahadceliyay dhamaan intii ka qeyb qaadatay tartankan.

“Maamulka gobalka banaadir ujeedkiisu waa in uu horumariyo is dhaxgalka bulshada iyo dhallinyarada oo la muujiyo doorkooda, soo gabo gabeynta tartankan waxa ay ku soo beegantay xilli maamulka gobolka uu labadii todobaad ee ugu dambeysay aan dhagax dhig ku sameynay qaar ka mid ah wadooyin bur bursan oo aan laami casri ah saareyno, tani waxa ay muujineysaa horumarka amniga iyo tan bulsho ee gobolka ka jirta” ayuu yiri Muungaab.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka qeyb galay daawashada ciyaartan Final-ka ayaa ku ammaanay Maamulka Gobolka Banaadir qabashada tartankan lagu dhiiri gelinayo isdhexgalka bulshada iyo dhallinyarada.

Wasiir kuxigeenka Isboorti Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa sheegay in Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga ay soo dhaweyneyso qabashada tartamada isboorti, isagoo hambalyo u diray cayaartooyda degmada Boondheere ee koobka ku guuleystay iyo kuwa degmada Waaberi ee kaalinta labaad galay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa guddoonsiiyay degmada Boondheere koobka, waxaana ka bilowday garoonka, farxad iyo damaashaad ay sameynayeen taageerayaasha Boondheere, waxaa kaloo shahaadooyin la guddoonsiiyay intii ka qeyb qaadatay socodsiinta Tartankan mudadii uu socday oo ay ku jireen Warbaahinta maxaliga ah.

isboorti (1)isboorti (2)isboorti (3)isboorti (4)isboorti (5)isboorti (6)isboorti (11)isboorti (12)isboorti (7)isboorti (8)isboorti (9)isboorti (10)isboorti (13)

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts