HomeWararSawirro:-Xukuumadda Soomaaliya oo Guddi u Magacaawday xiisada Balad Xaawo

Sawirro:-Xukuumadda Soomaaliya oo Guddi u Magacaawday xiisada Balad Xaawo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddiga Arimaha Dibedda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Waxaana kulankaasi wasiirka uu warbixin guud ka siiyey guddiga howlaha shaqo ee wasaaradda iyo arrinta Balad Xaawo oo uu ka taagnaa muran la xiriira dhinaca Xadka. Mudane Axmed Ciise […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga Arimaha Dibedda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Waxaana kulankaasi wasiirka uu warbixin guud ka siiyey guddiga howlaha shaqo ee wasaaradda iyo arrinta Balad Xaawo oo uu ka taagnaa muran la xiriira dhinaca Xadka.

Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay guddiga in la hakiyey dhismaha darbiga laga dhisayey Balad Xaawo, maadaama arrintaasi uu hakiyey madaxweynaha dalka oo ay wada hadleen dhiggiisa dalka Kenya, howlaha wasaaradduna ay u socdaan si wanaagsan.

- Advertisement -

Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Dibadda, Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka sare Sanatar C/risaaq Cismaan Jurule ayaa kulanka kadib sheegay in wasiirka uu si faah faahsan ugu sharaxay guddiga howlaha socda, islamarkaana ay ku qanceen.

“Wasiirka waxa uu faah faahin naga siiyay howlaha wasaaradda, waxaan si buuxda iskula garanay wada shaqaynta Guddiga iyo Wasaaradda oo aan ku qanacnay howsha ay dalka u heyso”ayuu yiri Sanatar Jurule.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa isna dhankiisa sheegay in arrinta Balad Xaawo si gaar ah ay uga wada hadleen labada madaxweyne ee Kenya iyo Soomaaliya, islamarkaana iminka si wanaagsan ay wax u socdaan.

- Advertisement -

“Laba guddi oo degmada Balad Xaawo iyo Mandheere ah ayaa la magacaabay, waxey sii wadayaan sidii labada shacab ay ugu wada noolaan lahaayeen si wanaagsan” ayuu yiri wasiirka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts