HomeWararSawiro:-Wafdigii Turkiga oo laga soo sagootiyay Magaalada Kismaayo

Sawiro:-Wafdigii Turkiga oo laga soo sagootiyay Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ka sagootiyay wafdi balaaran oo kasocday wadanka Turkiga oo booqasho shaqo ku yimid Jubbaland. Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ahayd indho indhaynta goobo kala duwan oo mashaariic ay ka fulinayaan iyo Barnaamijka mataanaynta Magaalooyinka Kismaayo iyo Antalya oo ah Magaalo ku taala […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ka sagootiyay wafdi balaaran oo kasocday wadanka Turkiga oo booqasho shaqo ku yimid Jubbaland.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ahayd indho indhaynta goobo kala duwan oo mashaariic ay ka fulinayaan iyo Barnaamijka mataanaynta Magaalooyinka Kismaayo iyo Antalya oo ah Magaalo ku taala wadanka Turkiga isla markana meelo badan ay labada Magaalo iska shabahaan.

- Advertisement -

Wafdigan ayaa waxaa intuu joogay Jubbaland wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay qaabkii Turkigu uu ku bilaabi lahaa mashaarciida uu ka fulinayo Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dhamaan waxyaabahii laga wada hadlay ay miro dhal nqodeen isla markana mar dhow ficil loo badali doono.

Madaxweynahu wuxuu amaanay mataanaynta Antalya iyo Kismaayo oo uu xusay in ay tahay qorshe weyn oo ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in wafdigan ay dhawaan tagi doonan meelo kale oo Jubbaland kamid ah oo mashaariic laga fulinayo isagoo amaanay sida Dowlada Turkiga ay uga go’an tahay in tageeradeeda ay gaar siiso dhamaan wadanka.

Safiirka Turkiga Olgan Bekar ayaa dhankiisa ka mahad celiyay soo dhawayntii qiimaha lahayd ee lasoo sameeyay isagoo hoosta ka xariiqay in dhamaan waxyaabahii la isku afgartay ay sida ugu dhow u fulin doonan gaar ahaan adeegyada hormarinta oo ay ugu weynatahay mataanaynta Magaalada Kismaayo iyo Magaalada Antalya.

Hoos Ka Daawo Sawirada Sagootinta Wadfdiga Turkiga.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts